Home » News »

Ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaanka Laanta Buuro.

Ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM ayaa maanta dagaal waxay kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Laanta Buuro kaa oo ku dhaw degmada Afgooye ee Shabeelaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal iyadoona dagaal kale weli uu ka socdo duleedka degmadaasi.

Ciidamada ayaa fariisimo ka sameestay deeganka Laanta Buuro, waxaana dhanka kale saraakiisha dowaldda TFG ay sheegayaan inay tagaayaan ilaa degmada Marka.

Maamulka gobalka Sh/hoose ee dowladda TFG ayaa sheegaaya in ay heleen hub ay lahaayeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Al-shababa dhankooda dagaaladaan iyo deegaankaan laga qabsaday kama aanay hadlin, balse waxaa la sheegaayaa in weli uu soconaayo dagaal aad u culus.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.