Home » Suugaan »

Iqra iyo Al-qaarica “waa maanso cusub oo uu tiriyay abwaan Abdulahi Isim”

Asc. dhammaan ummadda soomaliyeed meel aad joogtaanba. Allaah (SWT) ayaa mahad leh, Rasuulkiisa Maxamed (SCW) ayaa sharaf leh.  Waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa suugaanta hoos ku xusan.

Suugaantan ama maansadan ayaa ka curatay maqaal ku soo baxay Shabakad ka mid ah Shabakadaha warbaahinta Soomaaliyeed, maqaalkaas ayaa xambaarsanaa Eray macnihiisu ahaa (YAY EERSANDOONTAA?).  Ummadda soomaliyeed maanta culayska erayga ayaa indhahayga jiitay, waxaase argagax igu dhacay markaan arkay sida ay u kala fogyihiin baahida qoraaga iyo qoraalkiisa aan ka turjumayn.  Qoraalka markii aan hoos ugu sii degay waxaa iisoo baxay ruux nafti halig ah, misna raba in uu duni ku naaloodo. Sidaas darteed ayaan qoraaga  maqaalka iyo inta la qabta aragtidan iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed uga dhigayaa wacyi gelin, waano, talo, toosin iyo dardaaran aakhiro iyo adduunba.

Magaca maansada ayaa ah IQRA IYO AL-QAARICA ama hadaad doonto, YAY EERSANDOONTAA?  Adinka oo mar walba mahadsan aqris iyo maqal san.

MAANSADA IQRA IYO AL-QAARICA
By Abdullahi Isim.
________________

  Halkaan ka dhageyso maansada Iqra iyo Al-Qaarica

 

ARDAY AAN AFLIXIN

IMTIXAAN UGALAY

AAYAHA DAMBIYO

MAR WAA KUU ILAYS

AAFADA HORTAAL

.

MARNA WAA INKAAR

IYO IIN HORLOO

URUGUU DHALLAA

MAANKU AABURAA

.

UTUN WUXUU NOQDAA

UNUGYADA JIRKIYO

ARXAANKIYO LAFAHA

OOGADA DHAMMAAN

EEBO UGA MUDAN

OO LAGA ADKAA

AQBALUU NOQDAA

.

SAAN UBUCDA IYO

ARAMIDU HALKAY

KA ALOOSAN TAHAY

UGA DHIGO IFTTIIN

OO UL UGU MUDO

DADKUNA U ARKAAN

INTA AAN OGAYN

ARAGAGIXISADIYO

JINKA INA AMBADAY

OO NALA AMBADAY

.

ANOON ARARTA IYO

ORKA KUGU ASQAYNIN

SHALAY BAAN AROOR

ALBAABKA UGALAY

.

.

MAREEGAHA ARADAN IYO

ILMA MAQANE JOOGIYO

ILMA MOOGAYAAL IYO

ILMA MALA AWAALIYO

ILMA MURUGO JECEL IYO

ILA MURUGSAN TABIYAAN

.

ANIGOO IBLEYSYADU

AFKAARTA AY QORAANIYO

SHARKA AY ABUURAAN

IBTILADA IN BADAN KA OG

AMAKAAG HORLAY GALAY

.

WAXAAN IRI ABWAANOO

WAXAAN IRI ORAAHDANI

INTA AAD  ARKAYSIYO

HALKA AY KU IDISHAHAY

YAYSAN KAA ILDUFINE

WAA KA ARAGTI BUUXSADAY

.

.MARKAAN SOO URUURSHO

AQRISKA  SOO AFMEERABA

WAXAY YEELATAA IIN

.

ASLUUB IYO AQLAAQ DARAN

ADYAD IYO AFXUMO BADAN

AQOON IYO ANFACA DILA

AMAAHDII BAR BAA MAQAN

ALLOW SAHAL AMUURAH

.

OGOL DIIDANAANSHIYO

WAXAAN AAMUS KU CESHO

OO HADBA AAY JIBAAXBA

MARDABAA

 

UFIYO  ROOB

ISA SOO AFUUFEEN

YAY EERSAN  DOONTAA?????

.

AFKAA UURKA IGA XADAY

WAXAAN IRI ALLAHAYOOW

MA NIN ORANAYAA JIRA

ALLOOW AYRO AYAN DHALIN

UUGAAN HORLIHI GALO

OO LABA IS AAMININ

OO AAN AMMAAN DHICIN

OO AAN ARLADU DEGIN

OO DAWLADNIMO IMAN

DAD KU ORANIN AAMIIN

.

WAXAAN IRI INKAARTANI

BALA ARAGSILOONOO

IIMAANKI BESHOO

ARBACUUNAN WEEYE

ANFARIIR LA OOGSADAY

.

UMADYAHAY BAL EEGOO

SU’ASHANI MA UGUBAA

DAD MA  IIBSAN DOONAAN

MISE WAA ANOO QURA??

YAY EERSAN DOONTAA??

.

UMUL RAACIN WEEYEE

WAXAAN IRI MA CAAWANA

NINKU WAA ADEEGE

ABAARTAADU YAY LUMIN

HA KA EEGIN OOGADA

UU SUBAGA KU ASLAYE

IS MA URISO WEEYE

EEYMLIYO

 

AWAALRAAC

.

ALLAA MAHADI WEEYOO

WAA  KUU EKAATOO

WAA  KUU AHAATAYE

.

WAXBA HAW AFEEFANE

YUUSAN KAA IRDHOOBINE

ASARAAR HA GALININE

COLKAY EERASANAYSIYO

CIDAY U IRKANAYSABA

OGOS BAY AFTIDU TAHAY

.

ADINSE IYO INTAAL DARAN

WALIGEED HA ORISOO

WALIGEED

 

HA OLOSHEE

UURJIIF KU GAWRACAN

.

WARKA OODA UGA QAAD

OO AAYAR UGU SHEEG

AMAANADA HA CELIYE

BAADIDA ABAAJIDOO

AGOONKII LAHAA YIMID

KUMAY EERSANAYSAA

KAN AY EERSANAYSAA

AWLE ADIGA YUU NOQON

EELKII U AASNAA

IRBADII SUNTA AHAYD

ABTIRSIINYAHDEE

INDHOW GARAD

INDHEER GARAD

ARAGTIDA AQOONTA AH

.

KUMAY EERSANAYSAA

KAN AY EERSANSAYAA

AWLE ADINKA YUU NOQON

ABAAL LAAWAYASHII

MARKA UBAXA LOO DHIGO

SIDA UUBAT IYO YEEY

HARKII  IBAHA JARAN JIREY

.

KUMAY EERSANAYSAA

KAN AY EERSANAYSAA

AWLE ADIGA YUU NOQON

AFAR IYO TOBNAADKII

AFAR BOQOLAHA AHAA

AFAR MIDABLAHA AHAA

AFKIYO UURKI KALA JIRAY

EEDAYSANE AN DHIMAN

.

KUMAY EERSANAYSAA

KAN AY EERSANAYSAA

AWLE ADIGA YUU NOQON

ABOORKII ABUURKIYO

UGXANTIISA CUNI JIREY

IYO QORI ISMARISKAAS

WADKA EHELU DIINKIYO

ASTAAMAHA ISLAANKA LEH

.

KUMAY EERSANAYSAA

KAN AY EERSANAYSAA

AWLE ADINKA YUU NOQON

IIMAANLAAWAYAASHII

AFADA AY QABAAN IYO

UBADKOODA QALAN JIREY

AQALKANA KA GUGUBI JIREY

IYO REER UJEEDO XUN

KUMAY EERSANAYSAA

KAN AY EERSANAYSAA

AWLE ADIGA YUU NOQON

DUQA NAAR AFUUFKA AH

DAWANKIYO DURBAANLAHA

IYO URURKA SHAYDAAN

ABAANDUULAHA U DIRAN

.

WAXAY EERSANAYASAA

INTA LOO AFXIRAN YAHAY

ADUUNWEYNE WAA KOOW

INTA SIDATA AARMIGA

IYO AGABKA QARANIMO

.

WAXAY EERSANAYSAA

INTA MAGAC ISIMALIYO

GARTA LOO ARUMAN YAHAY

HALKAY NAGU AROORSHAN

INAY NOQOTO  IIDIYO

INAY NOQOTO LAGU AAS

INAY NOQTO AGABARE

ERGAYGII RUNTA AHAA

IYO LAMA ARKAANKIYO

ALEELAALAYASHII

U AHAA ABKOOWGIYO

KUWII AABAHOOD DHALAY

.

WAXAY EERSANAYAA

OGAAL BADANAYASHII

UURKU BAALAAHA AHAA

AAYAHA ODOROSKII

AFLIBAAX  KU RIDI JIREY

EEDAAN KU   DIRIRKIYO

AADAANKA  DILADA AH

.

WAXAY EERSANAYSAA

ILAALKA ISTICMAARKIYO

ABRISKIYO ABEESYADA

ISGAARSIINTA OOMANE

LOO DHIGAY ADOONSIGA

IYO AXAN WADAAGTII( UK.USA).

INGIRIISKU TABA BARAY

LABADII AGAASIME(VOA. BBC).

..

WAXSE AAD ILOOWDEEN

AFLAGAADADEEDIYO

UNUUN GOOYADEEDIYO

DHIIGEEDA ARAGTAYE

MARNA MA IS AWAASHEEN

MAANKAAGU MA IS YIRI

YAY U IRKANAYSAA

AMA AGABSANAYSAA??

.

MA OGTAHAY AMUURAHA

ISA SOO ARUURSADAY

KULIGOOD ASTAANTA AH

AASAASKA HOOSIYO

HALKAY MAANTA AADIIYO

ASAL RAACA MA OGTAHAY??

WAXAY AGBASANAYSAA

MIDAAN LAGA ADKAANAYN

OO AMARKA MAANTA LEH

AWOOD BADANAHEEDII

WAXAY AGABSANAYSAA

UMMADNIMO ISLAANIYO

WADANIGA AN IGARKIYO

AHAYN OODAFADA ROGAN

.

WAXAY U IRKANAYSAA

INTA IILKA JIIFTIYO

INTA LOOMA OOYAAN

HARKII AABI LAGU DILAY

IYO  WAA AWOODAA

.

IYO  HOOYO UURLIYO

UMUL AAN ANQARIN IYO

OOMATIDA ILKAHA GALIN

IYO WAXA ABAYDINA

AMA INAN ASAYSIDA

MAYEERAAN IRDAHA YAAL

.

INTAAS OO ASBAABOOD

ALLA BARI ILLAAHAY

DUCO LOO AQRIYEYY

ISHA LOO MARMRINOO

RABBIGAY AJIBOO

MALAA’IGA ADEECOO

AMARKIISA FULIYAA

AY OOFINAHAYAAN

OO AAN AQOON EEX

IYO INA ADEEROOW

.

AWLIYO ASXAABTUU

U AHAA UGAASKOOW

RAAD AROORYO ERIDOOY

IRIDKAASI SOO XIRAN

INQILAABKII DHICISOW

QOLO KALE AFURINTEED

IYO AANNO AARKEED

AJASHAADA YAY NOQON

ADIGU TAADA KA ADKOOW

IQRA IYO AL-QAARICA

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Iqra iyo Al-qaarica “waa maanso cusub oo uu tiriyay abwaan Abdulahi Isim” "

  1. Rossella says:

    walal wan idin salamay maaorhkre aad ayyaanu ugu faraxsanahy magaabista degmadaan cusub ee gunbax hadaanu nahay qurba joogta udhalatay degaankaas walalayaal waana nalooka baahan yahay hora marinta degmadaas sey ugaari lahay asaageed marka fadhiga halaga kaco wa bilaahi towfiiq