Home » News »

Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo duqeyn ka geestay Gedo.

Diyaarado laba ah lagana leeyahay wadanka Kenya ayaa duqeyn ka geestay deegaanka Birta Dheer ee gobalka Gedo, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaayay saldhiga halkaa ay ku lahaayeen Xarakada Al-shabaab.

Waxaa warar is qilaafsan ay kasoo baxaayaa qasaaraha halkaasi ka dhashay, wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in halkaa ay ku geeriyoodeen ciidamo ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Duqeynta ayaa socotay in kabadan Lao saacadood waxaana qal qal ay ku reebtay shacabka degan halkaasi, iyagoona barakac bilaabay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo diyaarado laga leeyahay wadanka Kenya ay duqeyn ka geestaan deegaano kamid ah gobalada Jubooyin iyo Gedo.

 

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo duqeyn ka geestay Gedo. "

  1. umu fadumo says:

    ascw walaalayaal aad iyo aad ban oga xumahay manin walba shacabkena duqenta loo geysanayo

  2. Asc walal waa arin laga xumaado in la iska duqeeyo shacab aanan waxba galabsanin oo masaakiin ah meelkasta waxaa dhimanayaa waa shacab masakiin ah alow inoo gagaar aamiin aamiin…