Farriin ku socota Odayaasha Dhaqanka ee shirku uga socdo Muqdisho — Kenya ha u hirgelina hamigeeda in ay goosato qayb kamid ah dhul-badeedka Soomaalida…
Goor aan ka baxnaba KMG waan ka bixi doonaa INSHAA ALLAAH.
Waxaa qoraalka hoose ka arki kartaan sida uu ugu qeexanyahay in dhul badeedkii ay Kenya waligeed raadineysay uu hadda qarka u saaran yahay in uu u hirgalo ayadoo la adeegsanayo Shirkado si cad xadgudub u sameeyay oo Kenya ay heshiis kala saxiixdeen sida aad ka arki kartaan qoraalkan hoose iyo qoraallo hore oo aan idiinsoo gudbiyay.
Waxaa kaloo aan wada arkeynaa in Dastuurkayagii uu ku qoranyahay qodob u fududeynaya hirgalinta khayaanadaas, ayadoo lagu mashquulsanyahay sidii loo soo aruurin lahaa kuwii ansixinayay.
Waxaan Ummadda ku mashquulsan ansixidda Dastuurkaas u sheegayaa in aay ILAAHEY ka cabsoodaan oo Khayaanadaas iska cad aaysan nagu ridin.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ayagana kala dardaarmayaa in la iscafiyo oo gacmaha la isqabsado lagana horyimaado boobkaas nalala damacsanyahay.
Halkaan ka khri qoraalka oo dhan.
—————
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Kenyo waxa ay somalia uso aday fikirkayga markan kahadlo wa inay dhulki benta aha oo ay waliged sheganaysay ay lawaregto ee ha umalaynina inay wax idiin qabanayso waxana dhihi laha wadankanaga noga baxa by