Gaalkacyo, Somalia (AOL) – Wararka ka imaanayo magaalada Gaalkacyo ee Gobalka mudug ayaa sheegaya in duleedka magaalada Gaalkacyo ay kooxo hubeysan ku afduubeen laba qof oo Samafalayaal ah oo Keenyaan ah iyo Dhaqtar Soomaali ah, kuwaasoo kasoo laabtay Xeryaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla agagaarka Magaalada Gaalkacyo.
Labadaan qof ee Keenyaanka ah iyo Dhaqtarka Soomaaliga ee la afduubay oo u soo soday magaalada Gaalkacyo markii afduubka loo geysanayay ayaa ilaa hadda aan la ogayn halka ay u qafaasheen kooxihii afduubka u gaystay, kuwaasoo loo malaynayo inay ahaayeen Burcad Badeed. Boliiska Maamul Gobaleedka Puntland ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu goobayo kooxihii burcadda ahaa ee falkaan geystay.
Sarkaal sare oo ka tirsan Boliiska Maamulka Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Ciise Xasan ayaa Saxaafadda u sheegay in afduubkaan uu dhacay shalay oo ahayd Arbaco uu ka ka dhacay Degmada Bacaadweyn oo magaalada Gaalkacyo u jirta 50 km, waxaanna sarkaalkaan uu ku sheegay waraysigiisi saxaafadeed in kooxihii afduubka geystay ay dhaawaceen laba nin oo boliis ah oo ilaalo u ahaa shaqaalahaas la afduubtay.
Si kastaba ha ahaatee, afduubyada noocaan oo kale ah waa mid kooxaha geysto ay ku doonayaan lacag madax-furasho ah, waxaanna inta badan geysta kooxaha Burcad-badeedda ah oo marka ay soo waayaan markab ama doon badda marayso usoo wareega dhinaca berriga isla markaana la baxa magaca ah “Burcad-berriyeed”.
Xafiiska Warqabadka ee Gaalkacyo.
————
Daahir. F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.