Laanta-buuro, Somalia (AOL) – Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada DFKM ah iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Laanta –buuro oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose, halkaasoo oo ay saldhig aad u weyn ku lahaayeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.
Dagaal muddo yar oo gaaban socday oo jilibka la isu laabtay, kaasoo la isu adeegsadey Taangiyada iyo hubka noocyadiisa fudud ayaa ka dhacay goobtaas, sida uu AOL u xaqiijiyay mid ka mid ah Shacabka ku dhaqan Deegaankaas.
Ciidamada DFKM ayaa iyagu guulo sheegtay, sheegayna in ay Dagaalkaas ku dileen 11 askari oo ka tirsan xarakad Alshabaab, isla markaana ay nolol ku qabteen tiro kale. Ma jirto ilaa hadda cid ka tirsan Dagaal-yahamiinta Xarakada Alshabaab oo u hadashay dhankooda.
Si kastaba ha ahaatee, daagaalkaan ay Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM kula wareegeen Deegaanka Laanta-buuro oo ka tirsan Gabolka Shabeellada hoose ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli DFKM ah ay horey u qabsatay goobo fara badan oo ay ka mid tahay Degmada Balcad, kaasoo qayb ka ah dadaalka ay Dowladda KMG ah ku doonayso in ay Alshabaab kaga xoreyso degaanada gacantooda ku haray.
Xafiiska Warqabadka ee Muqdisho.
———-
Daahir. F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.