Ciidamada dowladda TFG gaar ahaan kuwa Gaashaan lagu magacaabo ayaa maanta degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe waxay ka sameyeen howlgalo balaaran oo dad iyo hub lagu qabtay.
Ciidamada ayaa isku gadaamay dhamaan xaafadaha ku yaala degmada Balcad waxaana saraakiisha ciidankaan ay sheegeen inay soo qab qabteen rag lala xiriirinaayo inay ka mid yihiin Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale saraakiisha dowladda TFG waxay sheegeen in qaar ka mid ah xaafadaha Balcad ay ka heleen hub u badan Miinooyin iyo Bambooyin dhawaanna ay saxaafadda usoo bandhigi doonaan.
Ciidamada dowladda TFG maalmahaan dambe meelo badan oo dalka ah waxay ka wadeen howlgalo ay ku baarayan hubka iyo dadka ay uga shakiyaan Xarakada Al-shabaab.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.