Home » News »

Gudoomiyaha gobalka Gedo oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn shalay diyaardaha Kenya ay ka geesteen deegaan ka mid ah gobalka Gedo.

Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed C/kaliil ayaa faah faahino dheeraad ahi ka bixiyay duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka ee wadanka Kenya ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Birta Dheer oo 18 KM u jira degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ka dib wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha ka shaqeeya Magaalada Muqdisho.

Kaliil ayaa sheegay in halkaa ay ku dhinteen ciidamo kamid ahi Al-shabaab ayna kaga gubeen gaadiid aad u badan waa sida uu yiriye.

“Duqeyntii shalay ee ka dhacay Gedo Al-shabaab ayaa ku dhamaaday, Laba gaari wa laga gubay 20 qof ka badanna halkaa ay kaga dhimatay”

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab weli wax war ahi kama aanay soo saarin duqeyntaan la sheegay in waxyeelo lagu soo gaarsiiyay.

Diyaarado dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya ayaa shalay duqeyn xoog ah waxay u geesteen goob la sheegay Gedo inay kaga sugnaayeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Gudoomiyaha gobalka Gedo oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn shalay diyaardaha Kenya ay ka geesteen deegaan ka mid ah gobalka Gedo. "

  1. asc walaal dhamaantiin waan idiin salaamay , salaan bacdigeed gudoomiyaha waan salaamayaa gedo, su’ aa shaydu waxay tahay

    muxuu ka ogyahay duqeynta yayse dishay, ma shabaab bay dishey mise dad rayad ah oon wax galabsan ?

  2. Guduudane says:

    waxaan idin waydiiyay Ninkaan kaliil ma har cad ayuu doonayaa inuu biliqaysto guddoonka gedo wallee xishoodkii waa ka dhamaaday dadkii

  3. SHABEEL says:

    MAXAMED C/KALIIL WAA NIN SOO HALGAMAY WAANA NIN AKHLAAQ LEH OO XISHOODA WAXUUNA MAREEXAAN KA MUDAN YAHAY IN AY IXTIRAAMAAN, SIDA SIILAANYO ISAAQ U IXTIRAAMO IYO SIDA REER PUNTLAND AY C/LAAHI YUUSUF U IXTIRAAMAAN.

    HADDII LA IXTIRAAMI WAAYO OGAADA GEDO TAARIIKH MADOW BAY GALAYSAAYE.