Home » News »

Mahiga iyo Faroole oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe.(SAWIRO)

WAR-SAXAAFADEED:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 13 July,2012 ku qaabiley xarunta madaxtoyada Garowe ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobey Somalia Dr.Augustine Mahiga iy xubno ka tirsan xafiiskiisa oo wehelinayey.

Labada masuul ayaa kulan dheer ku yeeshey Garowe maanta oo albaabadu u xirnaayeen,waxana intaasi kadib uu shir la yeeshey Dr.Mahiga Odayaasha dhaqanka Puntlan d,xubno ka socdey bulshada rayidka ah iyo weliba guddiga dib u eegista qaybyo qoraalka DF Somalia oo ay ka wada hadaleen qaabkii loo soo xuli lahaa ergada dastuurka islamarkaasina loo keeni  xubnaha ka qaybgalay barlamanka soo socda.

Labada masuul ayaa kulan wareed ku qabtey intaasi ka dib gudaha aqalka madaxtoyada oo ay uga waramayan waxyaabihii dhexmarey iyo qodobadda ay isla meel dhigeen shir iyo showe ka dib.

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegey in ujeedka socdaalka Ambassador Mahiga ay tahay dhamaystirka hawlaha qabyada ka ah geedi socodka nabada Somalia ee RoadMapka.

Waxa uu raaciyey madaxweynaha Puntland inay si fiican iskula meel dhigeen in la so dhameeyo hawlaha dhiman si horey loogu anbaqaado dhamaystirka xiliga KMG ah.

Dhankiisa ayuu madaxda xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey Somalia Dr.Mahiga ku sheegey wadahalkii uu maanta la yeeshey madaxda iyo odayaasha Puntland mid miro dhal ah kuna jiheysan sidii loo dhamaystiri lahaa Qorshaha nabada Somalia.

Waxa uu cadeyey inay Puntland kala hadleen halka ay mareyso xulista ergada ka qaybgalaysa ansixinta dastuurka DF Somalia oo uu raaciyey inay sida ugu dhakhso badan uguna macquulsan u qabsoomi doono shirweynuhu (NCA).

Dr.Mahiga ayaa ku adkeeyey in wakhtigu yaryay islamarkaasina hawlaha dhiman ay badanyihiin inkastoo oo uu ku adkeeyey in KMG-nimada laga baxayo Somalia 20 Aug,2012.

 

Garoowe, Nugaal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Mahiga iyo Faroole oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe.(SAWIRO) "

  1. nani says:

    PUNTLAND WAXAY SHARAF IYO WANINIMO KA DOORATAY QABAANIMADA MALAZ IYO MAHIIGE DAMIIR XUMAA WAR GOBANIMAA GAAJO LEHE BAKHTIGA HA CUNININA.

  2. Yare says:

    GEDO WAXAY SHARAF IYO IN AY AYAHOODA KA TASHTAAN KA DOORTEEN CAYDA PUNTLAND IYO DADKEEDA. DAMIIR XUMAA WAR NIMAN DAAROOD AH MATIHIDIN MIYAA.

    MIDDA KALE, HAWIYE, ISAAQ IYO SAQAJAAN OO DHAN WAA KA ADAGNAHAY.

    VIVA MELEZ -SANAAWI- JABARTI ISMAACIIL
    VIVA MAHIGA KABLALAXA TANZANIA