Home » News »

Shariif Xasan “Ahaanshaha Caasimadda ee Muqdisho ma ahan wax muran geli kara!”

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee DFKM ah oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay in aanay marnaba ahayn wax muran geli kara ahaanshaha Caasimadda ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Shariif Xasan uu ku sheegay shirkiisaan jaraa’id in la wiiqay awooddii Ururka Alshabaab taasina ay tahay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.  “Waa in ay shacabka Soomaaliyeed taageero ka muujiyaan guulaha ay soo hoyeen ciidamada DFKM” ayuu ku yiri Shariif Xasan Shirkiisi Jaraaid.

“Shacabka Soomaaliyeed ayaa isku raacay in Muqdisho ay noqoto Caasimadda dalka Soomaaliya, dastuurkuna wuu qeexayaa sidaa awgeed ma ahan wax muran geli kara” ayuu yiri mar kale Shariif Xasan.

Waxaa Sidoo kale Shariif Xasan uu ka war-bixiyay safaradii uu dhawaan ku gaaray dalal dhawr ah, kuwaasoo uu sheegay in dhammaantood ay ahaayeen kuwo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan uu ka dhawaajiyay Shariif Xasan ee la xiriira ahaanshaha Caasimadda ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Faroole ay soo jeediyeen in Muqdisho laga bedelo caasimadda dalka sababo ay ugu horeyso nabad-gelyo xumo awgweed.

Xafiiska Warqabadka ee Muqdisho.

———-
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.