Home » News »

Ciidamo hor leh oo Jabuutiyan ah oo la filaayo inay maanta tagaan B/weyne.

Magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta la filaayaa inay tagaan ciidamo aad u badan oo Jabuutiyaan ah kuwaa oo maalmahaan oo dhan la sugaayay inay dalka soo gaaraan.

Afhayeenka cusub ee Ciidamada AMISOM Aadan Cali Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in maanta magaalada B/weyne ay tagi doonaan ciidamo Jabuuti ah oo laba maalin ka hor la filaayay inay halkaasi gaaraan.

Ciidamadaan ayuu Afhayeenka ka gaabsaday tiradooda inuu sheego laakiin waxa uu tilmaamay inay yihiin ciidamo loogu tala galay inay guud ahaan la wareegaan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan ciidasmo Jabuutiyaan oo aan sidaa u badneen waxaana ay magaalada ka joogaan meelo kooban muhiimna u ah dowladda TFG laakiin ciidamadaan markii ay halkaasi gaarana waxaa la filayaa inay sii balaartaan.

 

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ciidamo hor leh oo Jabuutiyan ah oo la filaayo inay maanta tagaan B/weyne. "

  1. Ali says:

    CIIDAMADAAN WAA IN LALA DAGAALAA MEELKASTA OO SOOMAALIYA LAGA GEEYO, WAA NIMANKII AAN XOREYNAY EE MARKII AAN BURBURNAY NA KALA QAYBIYAY OO YIRI DIR-IRIR BAAN NAHAY, OGAADA REER JABUUTIYOW IN SIYAAD BARRE IDIIN QALDAMAY OO WIILASHAYADII KU LAAYAY JABUUTI,

    OGAADA IN CAFAR AY NALA DHALATAY ADINKUNA SHISHEEYE TIHIIN.