Kismayo, Somalia (AOL) – Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa tibaaxaya in Xarakada Alshabaab ee magaalada Kismaayo ay meel fagaare ah ku gubeen Gaadiid siday qaad fara badan, kaasoo si sharci-darro ah ku galay magaalada Kismaayo.
Gawaaridaan jaadka siddey oo ahaa labo Gaari ayaa iyagu si dhuumaaleysi ah oga soo galay Wadanka Kenya, waxaanna maamulka Xarakada Alshabaab ee magaalada Kismaayo ay Xabsiga u taxaabeen wadayaashii baabuurta iyo mulkiilayaashii hantidaba, sida uu noo xaqiijiyay Goobjooge ka mid ah Shacabka magaalada Kismaayo.
Maamulka Xarakada Alshabaab ee magaalada Kismaayo ayaa horey usoo saaray wareegtooyin digniin ah, kuwaasoo ah in qofkii lagu qabto asaga oo qaad soo galinaya deegaanada ay ka arimiyaan laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay Xarakada Alshababaab qaadaan tallaabada noocaan oo kala ah, dhawaan ayay ahayd markii ay gacanta ku dhigeen Doommo uu ku raran yahay qaad aad u tira badan, kuwaasoo laga qaaday tallaabo sharciga waafaqsan oo la mid ah tan lagu fuliyay Gaadiidkaan Jaadka siday.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadaan ay qaadeen Maamulka Xarakada Alshabaab ee magaalada Kismaayo ma aha mid guud ahaan Suulin karta Cunitaanka qaadka iyo ka ganacsigiisaba, waayo waxaa weli jira qaad si dhuumaaleysi ah ku gala deegaanada ay Alshabaab ka taliyaan iyo iyo dad si qarsoon u cuna intaba.
Xafiiska Warqabadka ee Kismaayo.
———-
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.