Home » News »

Dowladda Faransiiska oo sheegtay in uu weli nool yahay sarkaalkoodii u af-duubnaa Al-shabaab.

Jean-Yves Le Drian oo ah wasiirka difaaca ee dowladda Faransa ayaa sheegay in ay soo xaqiijiyeen inuu nool yahay sarkaal sare oo dhanka amaanka ahaa oo ay heystaan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Ninkaan sarkaalka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Denis Allex waxaana la qafaashay sanadkii 2009, iyadoona dowladda Faransiiska ay sheegtay in dhawaan ay heleen muuqaal Al-shabaab ninkaan ay kasoo duubeen taa oo uu ku sheegaayo inuu noolyahay kuna dalbanaayo arimo badan.

Wasiirka ayaa sheegay in weli ay wadaan dadaalo fara badan oo ay ku doonayaan inay kusii daayaan ninkaasi isla markana ay si xeeladi ku jirto kusoo furan doonaan ninkaasi.

Sarkaalka lama oga meesha sida gaarka ah loogu hayo balse waxaa Afduubashadiisa kasoo wareegtay muddo aad u badan waxaana warar horey loo baahgiyay ay sheegayeen in ninkaa uu dhintay.

 

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho/Soomaaliya.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.