Madaxda dowladda TFG ugu sareysa ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay dhamaan odayaasha dhaqanka ah ee ku shiraaya Magaalada Xamar, iyaga oo kala hadlay arimo badan.
Madaxweynaha dowladda KMGS Shariif Sheekh Axmed oo hadal u jeediyay dhamaan odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Xamar ayaa ugu horeen uga mahadceliyay Odayaasha qaabka ay isugu howlayaan in dalka ay wax u qabtaan, isagoona ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo xulaan Ergada ansixineysa dastuurka Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay halkaasi, waxaana uu baaq u jeediyay dhamaan Odayaasha, isagoona sheegay in Odayaasha looga baahanyahay wixii qaldan inay sheegaan si loo xaliyo, iyagana ay soo de dejiyaan gudiga ansixinaaya dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Si kastaba ugu dambeentii waxaa la isla meel dhigay in 22 ka bishaan lasoo gaba gabeeyo soo xulista gudiga dastuurka ansixinaaya ee Odayaasha looga fadhiyo maadaama waqtiga uu aad u dheeraaday.
Halkaan ka dhageyso Khudbadii Madaxweyne Shariif.
Halkaan ka Dhageyso Khudbadii Ra’iisul wasaare C/weli.
Halkaan ka Dhageyso Khudbadii Gudoomiyaha baarlamaanka TFG
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Waxaan dooneeynaa wajiyo csub iyo wajiyo wadaiyadnimo ka muuqato…..ragani hal iskuul, isbitaal iyo dib u dajin uma sameeynin hal qof ama hal degmo ah oo somalia ka mid ah
Wexeey ku caan bexeen hanti lumis, musuqmaasu, qabyaalad iyo khilaaf joogta ah oo dhamaad leheen
Walina weey soo taagan yihiinxishood la’aan iyo indha adeeg