Xarakada Al-shabaab ayaa magaalada Kismaayo waxay ku gubeen gaari nooca Soomaalida u taqaano caasiga kaa oo saarnaa Qaad dhowr Jawaan ah oo si qarsoodi ah magaalada Kismaayo lagu geeyay.
Goob fagaaro ayaa waxaa isugu yimid shacab badan iyo ciidamo, saraakiil ka mid ah Xarakada Al-shabaab iyadoona gaariga halkaa lagu gubay.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa ugu baaqay ganacsatada Qaadka sida dhuumaaleesiga Kismaayo ku geeya inay ka waantoobaan hadii kale ay dhibaatooyin badan la kulmi doonaan.
Al-shabaab waxay Kismaayo muddo ka hor ka mamnuuceen cunista iyo Iibinta Qaadka waxaana cidii lagu arkaa loo sheegay inay la kulmi doonto dhibaatooyin aad u badan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.




WAA LAGU SUGAY HA LA GUBO DAROOGADA..
LACAG AAN XISAAB LAHAYN AYAA NOOGA BAXDA DAROOGADA CAGAARAN.