Home » News »

Qarax Xooggan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Baydhabo, Somalia (AOL) – Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa sheegayo in uu qarax aad u xooggan ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala bartamaha magaalada Baydhabo, waxaanna wararku ay intaas ku darayaan in goobtaan maqaaxida ah ee uu qaraxu ka dhacay ay ku sugnaaneen ama fadhiyeen ciidamo ka tirsan DFKM ah.

Waxaa illaa hadda aan la ogayn inta uu la’eg yahay qasaaraha uu geystay qaraxaan, waxaase warar la isla dhex marayay ay sheegayaan in uu qasaare xoog leh ka soo gaaray ciidamada DFKM oo iyagu ku caweynayay maqaaxida uu qaraxa ka dhacay.

Xarakada ururka Alshabaab ayaa sheegatay in ay saddex qarax ka geysteen magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Baydhabo, kuwaasoo qayb ka ah dagaalkooda la magac baxay “ Ku dhufo oo ka dhaqaaq” kaasoo ay kaga soo horjeedaan Ciidamada DFKM ah iyo kuwa Amisom.

Majirto cid ka tirsan DFKM oo u  hadashay dhankooda oo inoo qeexaysa qaabka uu u dhacay qaraxaan iyo qasaaraha kasoo gaaray dhinaca dawladda inta uu la’eg yahay.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ka dhacay magaalada xarunta ah ee Gobolka Bay ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli ay Ciidamada DFKG iyo kuwa Amisom ay magaalada Baydhabo ka wadaan hawl-gallo ay ku ugaarsanayaan Xarakada ururka Alshabaab, kaasoo la sheegay in loo soo qab-qabtay dad badan oo ay uga shakiyeen inay yihiin Alshabaab.

Xafiiska Warqabadka ee Baydhabo.

———-
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.