Addis Ababa, Ethiopia (AOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ayaa waxay sheegayaan in Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi uu waayadaan danbaba la il darnaa xanuun aan la sheegin waxa uu yahay.
Ra’isal wasaare Meles oo sanadii 1991-kii dalka Itoobiya xoog kaga qabsaday dowladdii shuuciga aheyd ee uu madaxda ka ahaa Col. Mengistu Haile Mariam ayaa xanuun hayo awgiis uu uga soo qeyb gali waayay shir maanta oo Axad ah ay madaxda Ururka Midowga Africa (African Uninon) ku lahaayeen Addis Ababa, taasoo sii laba jibaartay warar beryahaan la’isla dhex marayay oo sheegayay inuu Meles aad u xanuunsan yahay.
Sidoo kale, Meles ayaanan kasoo qeyb galin shir ay maalintii Sabtida ee shalay mas’uuliyiin ka kala socotay Ururka la yiraahdo New Partnership for Africa’s Development (NEPAD) ku lahaayeen Addis Ababa, laakiin badalkiisa uu shirkaas furay madaxweynaha Senegal Macky Sall.
Mr. Sall oo shirka NEPAD furay ayaa waxuu sheegay inuusan Meles shirka kasoo qeyb galin arrimo la xariira dhanka caafimaadkiisa awgeed, ayadoo uu isla markaana Meles u rajeeyay caafimaad wanaagsan.
Masawirka Meles oo beryahaan danbe kasoo muuqanayay Teleefishinka dowladda Itoobiya ayaa u muuqda mid aad u dhuuban, halka Shabakadaha ay maamulaan kooxaha mucaaradka lagu sheegay in Meles laga daaweeyay xanuun aad u daran.
Xukuumadda Itoobiya ayaanan arrintaan waxba ka sheein.
Todobaadkii aan soo dhaafnay ayay aheyd in uu Ra’isal wasaare Meles hor tago baarlamaanka dalka Itoobiya ansixin lahaa qorshe sanadeedka dhaqaalaha, taasoo bilaaban laheyd July 8, 2012, laakiin taasi ma dhicin oo Meles baarlamaanka ma hor imaan.
Links-ka hoose fur oo ka akhri halka uu marayo xaalka caafimaadka Ra’isal wasaaraha Itoobiya ee Meles Zenawi:
Prime Minister Meles Zenawi misses NEPAD due to health reason
Ethiopia leader’s absence raises health questions
————-
Aden A. Colujoog, AOL Editor in chief
allgedo@allgedo.com

War hada soo dhacay….
Waa ilaahay mahadii, waa farxad, waa dabaal dag…….Waa waa cusub…..iyo qurax raja sida….MELEZ wuu BAKHTIYAY sida eey wararku igu soo gaareyn…..…..waraku wexeey isladhex yaacayaa in Melez uu KOOMA uu ku jiray mudo sedex isbuuc ah hadii uusan bakhtinin waabarigii maanta 16 July 20012, Melez oo 3 bari ka hor loo la carary qolka ba-baadinta ee Cisbitaalka Saint-Luc University Hospital ee Brussels ayeey wararku xaqiijinayaan in uu Bakhtiyay………….…….Waa Alxamdulilaahi …..Ilaahayoo adaa mahad aan kobnmeeyn leh ee u soo daji malaku mowdka xilgan intaan xuruufta dhameeyn haduu wali nooyahay……….Haduu Bakhtiyayna 7 arbaab ee naarta hal mar ku wada xaree
aad ayaan ugu xumahay ra’isal wazaraha naga xanunkisa ALLANA WAXAN KAGA BARYAYA CAAFIMAD DEG-DEG IN UU SIYO AAMIIIN
AAD IYO AAD AYAAN OGA XUMAHAY INAAD U TACSIYAYSO, ADIGOO KALE OO DULI AH AYAA MAGACA DIINTA IYO MIDKA SOOMALIYEEDBA DILAYO. FADLAN WAXAN KA CODSANAYA INAAD KA TOOBAD KEENTO.
DUF KU BAX. war waa maxay magaca aad sheeganayso iyo gaalka aad utacsiyeeynayso. ilaahay u toobad keen. waxan fahmi la’ahay sababta kugu keentay innad gaalka inaad ilaahay caafimmaad u weydiiso.