
Abdulkadir Mohamed Tahlil, Director of the Birmingham Justice and Advocacy Centre.
Mudane Farmaajo,
Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay war saxaafadeedka aad ka soo saartey warbixintii Gudiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Somalia iyo Eritrea.
Warbixintu waxay kugu xiriirisay labo arrimood oo ku saabsan musuqmaasuqa iyo maamul xumada habsaamisay hawlihii laga sugaayey Dawlidihii kumeel gaar ahaa ee Somalia soo maamulay sanadiihii u dambeeyey.
Warsaxaafadeedkaagu si dhameystiran ugama jawaabin su’aalihii ku quseeyey. Waa sida ay aniga ila tahay.
Labo su’aalood si bayaan ah oo aan mugdi ku jirin in aad uga jawaabto ayuu shacabka Soomaaliyeed mudan yahay.
1) Ma run baa in aad ka soo qaaday $10 milyan dollar Imaaraadka Carabta? Raadka lacagtaas ma noo tilmaami kartaa, xagee lagu shubay? Yaa loo dhiibay? See loo isticmaalay, intaad ka warqabto?
2) Wakhtigii Dowladdii Ra’iisalwasaare Sharmarke waxaa la sameeyey Waaxda Maamulka Dhaqaalaha oo toos u hoostagta Xafiiska Ra’iisalwasaaraha. Waxaa warbixintu sheegtay in xafiiskaasi (Public Finance Management Unit) uu shaqo aas aasi ah oo nidaamsan u hayey Dowladda, in saraakiil sarsare oo Dowladda ka tirsan ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan shaqada xafiiskaas loo igmaday (saraakiishaasu waa Shariif Xasan iyo Shariif Axmed, sida warbixintu sheegtay), laakiin Sharmaarke iyo hay’ado wadani ah iyo kuwo caalami ahba ay aad u daafaceen. Warbixintu waxay sheegtay in markii laguu magaacabay Ra’iisalwasaare, Madaxweyne Shariif amar kugu siiyey (ama kaa codsaday) in aad xirto Waaxda Maamulka Dhaqaalaha (PFMU). Waa aad fulisay amarkii (ama codsigii) Madaxweyne Sharif.
Warkaasi ma run baa? Haddii uu run yahay, maxaad u xirtay xafiiskaas musuqmaasuqa la dagaalamayey oo aad u kala dirtay shaqaalihiisii?
Mahadsanid haddii aad nooga jawaabto su’aalahaas.
Read the Security Council Report here.
———–
Abdulkadir Mohamed Tahlil
Director of the Birmingham Justice and Advocacy Centre
tahliljr@hotmail.com

Walaal aad iyo aad ayaan uga xumahay abdulkadir in mudane farmaajo aad suaalhaas ku cel cleiso asagoo ka jawaabay sualahaas teeda kale waan ognahay hadii aanu nahay shacabka somaliyed xukuumadii farmaajo waxa aay qabatay iyo sababtii loola dagaalamay marka isku day sxb in aad wax garatid dadka laheysto iyo dadka aan la haysanin waa in aad kala ogataa mudane farmaajo waxa eedeyay waa nin asagaba lahaysto oo naf la caari ah ee ma aha gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa byeeeeee
War nimanyahoow bal yaabkaan arka yuu ka socdaa ninkaan Farmaajo ku leh jawaab i sii, Sxb aniga koley ma garanayo cidda ku xil saaratay laakiin waxaan ku leeyahay weydii dadka hantida qaranka lunsaday ee hay’adu shaaca ka qaaday warbixintaan oo ah tii 2aad oo sidoo kale u soo eedeysay raggaas meesha jooga oo waxaa ka horeysay tii bankiga aduunka uu shirkii istanbul ku soo bandhigay, waxaadna ogaataa hadii hay’adii baaritaanka sameysay iyo World bank labadaba ay farmaajo wax ku tuhmayeen iyagaa wareysan lahaa oo la xiriiri lahaa laakiin wey og yihiin xaqiiqda eedna uma aysan jeedin Mudane Farmaajo wareysina uguma tegin maxaa yeelay waa nin aan dembi lagu hayn, laakiin waxaa magaca iyo shaarka Farmaajo inuu waskheeyo u soo dhar dhigtay waa Ninka reysalwasaaraha ah Ina Cali Gaas oo og inuu Farmaajo kaga magac iyo sumcad badanyahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, aad baana uga xumahay in Farmaajo weli ku hayo Cabdiweli Gaas waa saaxiibkeey weliba hada waxaan xaqiiqsaday oo aan aaminsanahay inuu ninkaas ina Gaas soo maleegay shirqoolkii ka dhacay Kampala ee looga takhalusay reysalwasaarihii ay dadka soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ay jeclaayeen Mr Farmaajo, laakiin waxaa la yiri sirmaqabe Allaa u sahan ah Ina Gaas cadaawadii uu u hayey Farmaajo hada dibaday taalaa oo ilaahay baa meeldhow ka fashilay Farmaajo waxaan kula dardaarmayaa daacadnimadu waa hibo aad u wanaagsan laakiin wax walba haday xadkooda ka bataan xitaa hadii ay wanaagsanaayeen wey xumaadaan,marka waxaan ku leeyahay Saaxibtinimada waa qaali laakiin qof xanuunsan oo dabin iyo lugooyo iyo xaasidnimo gaamurtay kula daba taagan waxba kuu soo kordhinmeyso saaxibtinimadiisa oo waxaa la yiri qofku aduunku wuxuu ugu jecelyahay oogadiisa ama jirkiisa hadii uu ku dhaco qeyb ka mid ah jirkiisaana cudurka dilaaga ah ee Cancerka la yiraahdo wuu iska gooyaa ee intaa ha ku deeqdo tallo ahaan.
ASC. 1994ti mar dagaalo ka jireen gobollada waqooyi ayaa nin odoyada dhaqanka ka mid ah Silaayo ku yiri ”adeer Ahmed aqoontu wey noga dartay”. Direttore waa iga su’aale, ma musharrax madaxweyne ayaa tahay oo madmadaw ayaad Farmajo u raadineysa mise cid kale ayaad sidata. Su’aal kale inta hawlood uu sheegay inay dawladiisu qabatay ma lagacaysay mise qarajba kuma bixin. Hay’adda aad magaceeda sidato ma waxay ka mid tahay tan qm oo wax baaraysay, haddi kale ma garan sababta keentay su’aalahaaga. HORTA MAGACA AWOOWGA MA SIDAAD U DHIGTAA TAH-LIL MISE TAH-LIIL. WBL-TOWFIIQ.
farmajo wa ninka quudha ee somali wanaageeda katalinkara oo dacadnimo iyo hawlkarnimo huuwan aqoonleh.laakin tuugtu wa sharif sakin,sharif axmed iyo gas.farmaajo guul ayan kurajaynaya inshalah noloow waliga
Muddane Farmaajo waa nin sharaf mudan Somali oo dhanna wanaaggiisa isla qirtey. Kolse haddii raiisulwasaarihi ka dambeeyey lagu sheegay warbixinta inuu yiri lacago aan isoo gaarin baa jira waa sahlantahay arrintu;
Waxaan ognahay labada nin in ay xilwareejin isku sameeyeyeen oo aan filayo nin waliba in uu koobbiigiisa ka haysto xilwareejintii xafiiska raiisulwasaaraha oo ay ku jiraan lacagta maqan ee la sheegay iyo inta la sheegay in Bankiga ay taal. waayo tan bankiga taal lama shegeena haddii aan la sheegin mewesha ay ka timid iyo cadadkeedi hore iyo cidda soo dirtey midna. Markaa in lacag dhiman la sheego inta ka maqanna la iima sheegin xilna si buuxda ayaan ula wareegay ma fahmin macnaheeda.
Farmaajo waxaa laga rabaa file-kii xilwareejinta inuu ku noqdo una gudbiyo ragaa warbixita ka qorey kana codsado inay raalligelin ka bixiyaan war ay ka maqleen gacan saddexaad in ay faafin officail ah oo dokomenti dawli ah ku qoran ay ku daraan ayaga oo aan asaga waxba ka weydiin.
Cabdiwelina waxaa laga rabaa inuu qirto inuu guddiga sida ay sheegayaan wax ugu sheegay kaddibna caddeeyo sida uu lacag dhimman ula wareegay asaga oo aan ogeyn qaybti kale ee lacagta meesha ay jirto.una saxiixay fileka xilwareejinta. Haddiii ay sax ahayd xisaabta lagu wareejiyeyna waxa ku kallifay inuu ka been sheego walaalkiisa asaga u doortey R/wasaare ku xigeenkiisa saxiibkiisna ahaa oo maanta maraya marxalad xasaasi ah oo doorasho. Haddii uusan asagu warkaas oranna uu caddeeyo oo ku celiyo ragga ku been abuurtey
A.c walaalayaal waxan aad u dareemi karnaa in DR Farmaajo yahay ninka ugu ceebta yar intii maamul soo martay gayiga somaliya waxii ka danbeeyey Mohamed Siyaad Allah u naxariistee, marka waxaan leeyahay dadka su’alaha waydiinaya kuwa soo waydiin rababa hadii su’aal cid la waydiinayao kuwa qaramada midobay waydiisay oo ay ku heleen in ay xoolahii shacabka somaliyeed qabaan ayaga hala waydiiyo waxa ku kalifay in ay shacabka ay madaxda u yihiin dhacan iyo meesha ay geeyeen hantidii shacabka intaas ka dibna halaga tashado sidaysan soomaaliya xildanbe uga qaban lahayn iyo sidii loo ciqaabi lahaa intas kadib waxan leeyahay mudane Mohamed Abdullahi soo dhawoow waad mudan tahay inaad somali hogaamiso laa kiin waxaan shaki wayn ka qabaa sida somali u madax banaan tahay oo ay u rabaan qof wanaagsanoo hogaamiyo hadii maanta la waayanaa waxaa la gaari doonaa malin qofka wanaagsan la doorto hadana Nasiibkaaga iyo nasiibkeena inta wanaaga jecel ayan rajaynaynaa in uu naga hor mariyo inta xumaanta wareejinaysa oo wadanka la raba inuu diciifnimada kusiijiro. INALAHA MA’ASABIRIN.
Marka u horraysa xaaladdda soomaliya waxaa ku socda isbadel, horayna waxaa uga soo dhacay isbadallo waaweyn, waxaa wanaagsan in loo hadlo si hufnaan ah iyo daacad nimo ah, tartan doorasho ayaa lagu jiraa kollayba musharxwalbo waxaa uu soo hormarinayaa wanaagiisa laakiin somali ayaan nahay waan is naqaannaa wixii ay soo qabteen ra,iisalwasaarayaashii dalkaan soomaray sida ina Abdiriashid, Farmaajo, iyo Abdi wali gaas, marak waxaa fiican in aan midkaste qiimaynno heerk wax qabad e uu sameyey xilligii uu kursiag ku fadhiyey, haddiise aan aniga qiimayntayda ku hormaro waxaan dhibco badan siin lahaa Dr. Abdi wali waaayo guulo badan oo soomalida oo dhan dan ugu jirto ayuu gaarsiiyey dalkaan oo ay ka mid tahay xagga nabadda, dawlad wanaagga, siyaasadda dibbadda, rajogalinta shacabka soomaliyeed, dariiqa kala guurka iyo inay u soo muuqatao dawladnimo, waxaan kaloo dhihi lahaa raggi isaga ka horreey sida ina abdirashiid iyo farmaajo waa dadaaleen lakii uma soo dhawaaankaraan Dr. gaas taasi waa marag ma doonto, waxaa soo haray lacagahaan hadda la leeyahay waa laqaatay runtii dhammaantood waa la eedeeyey waxaana lagu tilmaamay inay sameyeen musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dad weyne, waxaan dhihi karnaa arrintu waa billow, doorashanna waa loo socdaa marka waxaan dhihi lahaa nimanka doorashada hadda ku tartamayo ee kala ah Dr, gaas, Farmaajo, iyo labada shariif, soomali oo dhan waa kala taqaanna adduunkana waa yaqaanna laakiin waxaa kala dooran doon, 225 xildhibaan marka, waxaan kaloo si cad u sheegi lahaa maanta soomalida qofka ay dooranayso xor uma aha oo waxaa farta ugu fiiqayao qofka la dooranayo beesha caalamka, sidaa daraadeed waxaa talo ku bixinayaa in la joojoyo dacaayadda laakiin la sheego oo kaliya qofak wixii uu soo qabtay, haddiise la af laggadeeyo mid ka mid waxaad ogaataan midka kalena waa la aflaggadaynayya amA waa la caayayaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
As/c Caro Abdulkadir
Marka ugu horreysa waxaan oran lahaa walaalaha inta isqariya haddana ku xadgudbaya faalladooda “Ilaahay ka baqa oo haku xadgudbina jawaabihiinna”. Midda kale waxaa looga baahan yahay qofka bixinaya faalladiisa/jawaabtiisa inuusan si toos ah u weerarin qoraaga maqaalka balse uu si cad uga hadlo nuxurka/farriinta uu xambaarsan yahay qoraalku ama (topic). Waxaad kaloo ogaataan Saaxiibayaal in loo baahan yahay qof/urur/ hay’ad ama cid kasta oo isxilqaanta oo si dhexdhexaad ah tooshka ugu ifisa Musuqmaasuqa iyo maamulxumada baahsan ee caalamku markasta ku eedeeyo madaxda Somaliya.
Caalamkan aan joogno waad ogtihiin oo markii waxaasoo kale dhacaan sida “corruption ama mismanagement” dadweynuhu waxay dawladdooda uga baahan yihiin xogta dhabta ah iyo siday wax u dhaceen ama (public inquiry). Waxaan haddaba hubaa in Dottor Abdulkadir Tahliil uu roolkaas qaatay oo ujeeddada qoraalkiisan ay ka tahay sidii dadweynaha Somaliyeed u ogaan lahaayeen “dhagarqabayaasha iyo kuwa caadeystey boobka hantida qaranka”. Waxaana kuugu daliil ah inuu sidaa ka wado “hadda ka hor ayuu sidaa oo kale su’aalo u weydiiyey Ra’iisalwasaare Gaas iyo wuxuu ka ogaa Hay’addii Halliday Finch oo la yiri dawladdan baa u saxiixday inay dakhli kasoo xarayso xeebaha Somaliya.
Markan aan ka hadlo su’aasheyda ku aadan Dottor Tahliil?
Dottore, su’aalaha aad weydiisey Farmaajo ayaan dood ka qabaa ee fadlan si guud ama gaar ah uga soo jawaab:
1. Waxaa ila habbon in su’aashii hore aad u dhigto qaabkan maadaama Farmaajo ama dawladdiisii lagu eedeeyey lacag dhan $ 3.5 million sida uu sheegay Ra’iisalwasaare Gaas. Inkastoo aan qabo inuu ka jawaabay Farmaajo maadaama uu si faahfaahsan u sheegay waxqabadkii hufnaa ee dawladdiisii loo bixiyey TAYO.
2. Dottore, su’aasha labaad oo aad ku eedeysey Farmaajo inuu kala direy xafiis la oranjirey Public Finance Management Unit (PFMU) xagee ku taal ama aad ka akhridey. Waan akhriyey qoraaladii oo dhan xataa qoraalkii ama warbixintii Monitoring Group ee lagu daabacay Hiiraan Sabtidii hore 14th July 2012 oo madaxda dawladda mid mid uga hadleysey.
Waxaanse lifaaqa aad hoos kusoo guurisey oo Englishka ah ka fahmay in dawladdan waxyaalaha laga rabo inay fuliso sida uu sheegayo warmurtiyeedkii London ee 23rd February 2012 ay ka mid tahay in la asaaso xafiis ama guddi lagu magacaabo Joint Financial Managemnt Board, ujeeddaduna tahay in la helo transparency and accountability with regard to public fund.
Wadanka Soomaaliya, ayaa la sheegay in dagaaladii hore uga jiray iyo burburkii ay ugu sii darsameen kooxaha budhcad-badeed ah oo khal-khal geliyey amaanka badaha caalamka, Sidoo kale wadamada Carabta ee kacdoonadu ka dhaceen, ayaa ka mid ah kuwa liiska ka galay xagga sare marka laga yimaado tobanka dalka ee ugu horeeya wadamada xaaladooda aanay daganayn.
Abdiqaadir waad ku mahadsan tahay su,aalahaaga saliimka ah, kana raali ahow dadkaan wayraxsan ee dulqqadka yar. webkaan fikirkaaga waad ku soo dhiiban kataa waana kaaga mahadcelinaynaa fikirkaaga.
Dott. Abdullaahi Jama,
Aad iyo aad aad baad ugu mahadsan tahay comments-kaaga saliimka ah oo qiimaha badan.
Qaybta hore ee su’aashaada adigaa si fiican u faahfaahiyey.
Qaybta labaad, waa sidaan jawaabteedu:
“9. In 2009, under mounting pressure both form within the TFIs and its
international partners, then TFG PM Omar Abdirashid Sharmarke established a Public
Financial Management Unit (PFMU) under the direct authority of the Prime Minister
and headed by Abdirazak Fartaag, in order to introduce greater accountability and
transparency into the TFG finances. In May 2010, the PFMU published the 2009
Annual Financial Report, followed by two quarterly reviews. These documents
offered the first credible insights into the state of the TFG’s financial health since its
inception in 2004. Finance Minister Sharif Hassan, however, was reportedly
displeased by this publication and ordered his staff not to answer any questions with
regard to TFG revenues and expenditures.
In May 2011, allegedly under pressure from members of President Sharif’s
inner circle, including Abdulkarim Jaama, President Sharif’s Chief of Staff, the new
TFG Prime Minister, Mohamed Abdillahi ‘Farmaajo’, disbanded the PFMU.” Waxaad ka helaysaa bogga 32aad ee report-ka
Halkaan ka soo rogo report-ka Monitroring Group-ka: http://www.hiiraan.com/PDF_Files/Monitoring_Group_2012.pdf
War waa adiga Farmajo i jawaab leh ???? ma sharifka aragtid musuqmasuqa dayarada uga gatay.meqa ku baxda sodcaalkisa.allow ha joojin mesha sharifka lagula xisaabtamayo.
Waxa 30 May 2012 uu Bangiga Aduunku u qaybiyay wufuudii shirka Istanbul warbixin tafaftiran oo ku qoran 18 bog, oo ka hadlaysa lacagta soo gashay dowladda KMG sanadihii 2009-2010 iyo sida ay u qarash gareysay dowladdu. Warbixinta oo kooban ayaan Af-Soomaali ku tarjunay, iyadoo Ingiriis ahna hoos ayaan ku lifaaqi doonaa. Madaxda hoos ku qoran ayay warbixintu kasoo dooratay mas’uuliyinta dowladda KMG, waxanan sabab u ah waa ragga ay qusayso ama wax laga waydiin doono halka ay martay lacagta malaayinta ah ee maqan, maadaama xafiisyadoodu ay yihiin kuwoo gacanta loo gashay lacagtaas oo qarashgareeyay.
ASC, Mahiga: <>,Famaajo:<>. Yaa saa ku jawaabi kara ragga hadda muuqda. Marki shacabka Xamar uu bannanbaxa tageerada u suubiyay Sheekh Shariif waxaa ka soo baxay afkiisa qadafki ugu horeeyay: <>. A scanso di ogni equivoco waxaan taageeraa HIIL QARAN & Ahmed Cismaaciil Samatar raaline kama noqon karo inaan mid kasta oo wax yar oo Somalinimo ah muujiya aan qaarijinno sidii Inj Mahamed Xaashi Cilmi ka qabsatay Hargeysa. Dr Gaas :<>, ma cadda ma koobna waa generico, dawladdu wey balaarnayd: ra’isulwasaare, ku-xigeenno ra’isulwasaare, wasiirka maaliyada, wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga iyo 13ki kale. Wasiiradii qorshaynta- xiriirka caalamiga & maaliyadda wey cadayn karaan wixii Farmaajo ku maqan. Wixii la sheegay inay ku maqanyihiin Shariif Sheekh Aaden lama dhihin Baarlamaankey ku maqanyihiin.WBL-TOWFIIQ
ASC. Mahiga: Farmaajo waa isla han weyn yahay. Farmaajo: ha waa isla han weynahay.WBL-TOWFIIQ.
Mudane Tahlil,
Waxaan aad uga xumahay in ummaddeenu aysan wali gaarin meeqaanka aad ka hadleyso. Waayo, waxaan u kala caddeyn farqiga u dhaxeeya dhaleeceyn iyo wax isweydiin.
Waxaan walaalaha aragtidooda rayi halkaan ku qorey ka codsanayaa in la iska daayo nin jeclaysiga iyo laablakaca ku dhisan salfudaydka, aragti gaabnimada iyo aqoonyarada laguna xadgudbin muwaadin si aqoon aragti dheeraan iyo xilkasnimo u weydiiyey Ra’iisul Wasaarihiisa hore.
Ugu dambeyn, waxaan idinku wargelin inuu qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay inuu si sharaf iyo xaqdhawr ku dhisan mas’uulkiisa so’aalo uga weydiiyo xilkii uu ummadda u hayey. Mudane Farmaajana waa mas’uul qabtay xilkii ugu sareeyey Golaha Wasiirada ee dalka misana lagu eedeeyey Dawladdiisa dhunsasho hanti qaran.
Walaal Faisal,
Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay sida fudud ee aad ugu bidhaamisay macnaha iyo ulajeedka qoraalkaan akhristayaalka aan weli fahmin.
ASC, Falsan, mudane C/weli wuxuu ahaa ra’isul wasaare ku xigeen & wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga, wuu dhihi karay: dawladeenni Dr Farmaajo ayay ku maqantahay. Dawladii Farmaajo ayay ku maqantahay waxay u ektahay ” anigu shaqa kuma lihi”. WBL-TOWFIIQ