Home » News »

Wadahadal Gobolka Gedo uga socda Sh. Aw-libaax iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan iyo hormaro laga sameyay.

Waxaay ahayd  bartamihi usbucaan markii uu gobolka Gedo gaaray Hogaamiyaha Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Konfureed Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf  Aw-libaax islamarkana si weyn loogu soo dhaweyay.
Masawirada sare: Bidix ka bilow, waa Guddoomiyaha Ahlusuna Waljameeca Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf  Aw-libaax  iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden.

Socdaalka Hogaamiyaha ayaa waxaa uu ku qotomay in bulshoweynta gobolka Gedo uu u macneeyo heshiis bishii hore lagu saxiixay Magaalada Nairobi kaas oo bilow u ahaa Geedi socodka Nabada Gobolada Jubboyinka Iyo Gedo.  Waxaa sidoo kale ku lamansanaa qorshahaan in Sh. Maxamed Aw-libaax u heshiiskaas iyo tubta nabada Jubbland uu kasoo dhaadhiciyo  Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo asagu ka tirsan Xildhibanada Barlamanka Somalia isla markana saameynta ku leh Gobolka Gedo bilowgi wadahadalada Nairobi-na ka biyo diiday.

Hogaamiyaha Ahlusunna ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay bulshada Gobolka Gedo, waxaana uu ku qanciyay in ay taageeran mabaadi’dii lagu gaaray Magaalada Nairobi ee dhigaysay in Maamul loo dhan yahay loo dhiso Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.Intaasi kaddib, Sh. Awlibaax waxaa uu wada hadal la bilabay Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo asagu bilowgi hore ee Wadahadalada Jubbaland ka biyo diiday, wadahadalka Hogaamiyaha Ahlusunna  iyo  Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan ayaa waxaa uu qaatay mudo 3 cisho ah waxana ila iyo imanka la isla fahmay qodobo badan.Xildhibaan Maxamuud Sayid Adaan ayaa waxaa uu qabay in 6da gobol ee Konfur galbed Somalia la’is raciyo isla markaana lo dhiso Maamul mid ah, balse wadahadalo maalmo qaatay kaddib waxaa Xildhibaanka lagu qanciyay in Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo kaliyah la is raaciyo madaama bulshada dagta 3 daas gobol ay is ogoshahay.Xildhibaanka ayaa waxaa uu dhankisa dalbaday in Shirarka ka socda  Nairobi ee lagu dhisaayo Maamulka Jubbaland loosoo raro gudaha Somalia, isla markana  Maamulka Jubbaland uu noqdo mid ka dasha gudaha Somalia.

Sida aan xogtaan ku helnay waxaa socda wadahadal ku sabsan qodobka ah in gogosha  geedi socodka nabada Jubboyinka iyo Gedo loosoo raro gudaha Somalia iyo qodobo kale, waxaana la sadaalinaya in ay qataan maalmo kale  kaddib.  Haddii ay labada Mas’uul isla fahmaan dhaman qodobada laga wada hadlay waxaay guul u noqonaysaa dadaalka lagu doonayo in Maamul loo dhan yahay laga dhiso Jubbaland.

————
Nuur M. Caynte, Nairobi/Kenya
Ainte@yahoo.com.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Wadahadal Gobolka Gedo uga socda Sh. Aw-libaax iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan iyo hormaro laga sameyay. "

  1. sareeye says:

    good news waaye, tolka reer sade isaga har shisheeyaha ama hawiye ha noqdo ama rahanweyn ha noqdee.

  2. Gundiid says:

    Waxaan taageersanahay soona dhaweeynayaa wadajirka iyo waxwada qabsiga Shacabka Labada Juba iyo Gedo….dhulku naga …naguna filan…ee aan utafa xeedano saan ku xajisan leheey…isla markaana hor-umarkiisa laga shaqeeyo………Somali waxba nooma Ogola runta marka la’isku sheego…waxaana cadeeyn Ah hadaladii feysal Waraabaha Iidorka….oo cambaareeynaya baaq eey soo direen Isimada Daarood oo eheeyd in eey iskaga baxaan gobolada Sool iyo Sanaag….Ayagoo yiri ma jubooyinka eey xooga ku dhacayaan beey u maleeyeen……waxaana taas sii dheer Afguduud Siyaasadiisa ku qotonta Minji xaabinta maamul ka hirgala juboyinka iyo Xaabsade oo aan ogeey Dadka uu u dhaaranayo……….nabad……wada jir ……iyo….. nidaam suuban ayaa looga hortagi karaa waraabayaashan doonaya in eey dhac iyo xaaran ku noolaadaan waligood …

  3. Hawiye iyo raxanweyn wa dol.balse ani haddii an ahay Mariixan somalinimada ayaba ideeqda.tanlabaad Mariixan ku dulnoolada ma,ahee waa lugu dulnoolaade.nina asxan kamuurabo. Qabyalad uf!

  4. afdi says:

    guul maxamuud sayid guul awlibaax ilma adeero wa kuwi is afgarta heshiiskiina manta dad badan ayaa ka naxaya lakiin loma joojinaayo manta gobolka gedo labadina ayaa ugu misan culus ee heshiiya oo hal mowqiif wada qaatan

  5. gold account says:

    Dagaal iyo iska horimaad hubaysan ayaa xalay iyo saaka waxaa uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo iyadoo dagaalku uu dhexmaray ciidanka DFKM iyo ciidanka ururka Al-shabaab ee dhawaan ku biiray ururka Al-qaacida Dagaalka xalay ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al.shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisamo ay ciidanka DFKM uga sugnaayeen degmada Garba haarey.

  6. Mareexaan iyo Absamooy heshiiskiina waxuu wax ka badali karaa siyasada dalka oo dhan. Waxaad heystaan fursado badan oo qaaali Ah Kenya waxaad ku yeelaneysaan ilo muhiim Ah waxaan la mideyn dhamaan gobolda mareexanka kasoo tago garbaherey waxuu kunaaloon garissa Absamha ka tago buaalane waxuu dhaxsocon si walaalnimo Ceelcade iyo ceelgaduud marka walallayaal hawiye iyo raxaweyn aan u midowno jubba iyo gedo waa dhulkeni aan u diidno kuwa muqdisho kasoo wado hagardaamada iyo khiyanada noolada mareexan iyo Absame cadowgina ha jabo

  7. Sharmake says:

    Geesiyasha marexan wa xildhiban maxamud sayid adan iyo sheekh maxamed ow libaax maxa yelay waa raga gedo kasaaray alshabaab waxan idin leyahay awalba heshis bad aheydene wax iskukindiro allaha idinka qabto guleystayal gul kuwara