Home » News »

Wasiirkii Hore ee ganacsiga Xukuumadii Farmaajo oo ku dhintay Qarax ka dhacay Xamar weyne (Sawiro)

Qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay nawaaxiga Daartii Bacadlaha ee degmada X/weyne ayaa waxaa lagu qaarajiyay wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga ee xukuumadii Farmaajo kaa oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne).

Qaraxaan ayaa ahaa mid xoogan waxaana sidoo kale ku ku dhaawacmay 8 qof oo shacab ah iyadoona saraakiisha dowladda KMG ay sheegeen in qaraxa gaariga loogu xiray mas’uulkaan.

Goobta qaraxa ka dhacay waxaa gaaray saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo baaritaano ay sameeyeen ku xaqiijiyay in Qaraxaan lagu xiray gaariga uu watay Mas’uulkaan oo xilligaan ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee degmadaasi, waxaana dhanka kale weli baaris ku socota qaabka uu qaraxaan ku dhacay.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Wasiirkii Hore ee ganacsiga Xukuumadii Farmaajo oo ku dhintay Qarax ka dhacay Xamar weyne (Sawiro) "

  1. asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuh salaan kadib waxaan kacadsanhayaa maamulka warbaahinta allgedo inaysan soo daynin sawiroda noocan oo kale ah oo naxdinta badan ayadoo lailaalinayo damiirka bini aadinimo sidaas darted waxan ka codsanhayaa maamulka allgedo markale inay ilaaliyaan damiirka macaamiisha allgedo

  2. XASAN says:

    MAAMULKA ALLGEDO WAAD KU MAHADSAN TIHIIN XAALADA DHABTA AH EE AAD NOO SOO GUDBISAAN SI AAN ULA SOCONO. NINKA CABDALA KHALIIFNA WAA DADKA SOOMAALIDA BAABI,YAY OO YIRAAHDA WAX HA LA QARIYO, HA YEELINA WARKIISA NOO SOO GUDBIYA WAX ALLA WAXII DHACA WAANA MAHADSAN TIHIIN