Xildhibaan Hilowle Aadan oo saxaafadda maanta kula hadlay magaalda Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shirkii kusoo gaba gaboobay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, waxaana uu sheegay in afgarad uu kusoo gaba gaboobay shirkaasi.
Xildhibaanka ayaa sheegay in la isla gartay maamul gobaleed in loo sameeyo maamulka gobalada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana uu ku baaqay in aan la carqaladeen maamulkaasi.
Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in la joojiyo khilaafka lagana taliyo maslaxada shacabka ku dhaqan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Halkaan ka dhageyso Shirkii Jaraa’id ee Xildhibaan Hilowle.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Hadalkan baa imaraya….Maxaan ma hore wada jirkan loo heli waayay…..waan ka xumahayb in wad jirku ku yimaado anoagoo dhagaha nala wad hayo oo eey itopiya wadatay Ahli Suna , Kenyana wadatay Kampony iyo Azania…..Lakin waa ilaahay mahadii hadii un wax la’isku gartay ee aan xajino wadajirka curtay
Waxaan filayaa wali warkaan ma kala cadda waayo saddex gobol ayaa meeshan maamul loo samaynayaa waxaana kala degga sadde qabiil oo waa weyn iyo ummad kale oo soomaliyeed oo la degto, gobolda waxay kala yihiin gedo waxaa deggo mareexan iyo qabiilo kale, Jubbada dhexe waxaa dego ogaadeen iyo qabaa,ilo kale oo soomaliyeed, kismaayo waxaa dego harti iyo oggadeen iyo qabaa,ilo kale. hadaba sida wax loo wado makala cadda, sababtuna waxaa weeye waxaa imaan doona awood qaybsi buuxa, waxaana dhici doona isqabqabsi iyo awood kala jiidasho aan meesha oollin. waaanse ku talinayaa in madaxweynah la siiyo nin ogaadeen ah, madaxweyne ku xigeenkana la siiyo nin qabaa,ilada kale ah sida jareer weyne waayo waa dad ku badan meesha, Gudoomiyaha baarlamaanka waa in la siiyaa qabaa,ilada kale sida biyamaal oo kale. wasiirada waa in si caddalad ah loo qaybiyo oo siman , madaxda gobolda waa in sidaan loo qaybiyo duqa ama goborna tooraha magaalda kismaayo waa in la siiyaa nin harti ah, duqa maga gobolka jubada dhexe waa in la siiyaa ogaadeen, duqa gobolka ged waa in la siiya nin mareexan ah. waxaa dhic karto in doodi ka timaado xagga wasaaradda maaliyadda iyo dakadda, waxaan idin xasuusin lahaa saddexdaas gobol waxay leeyihiin saddex dakadood oo kala ah dekedda kismaayo, dekedda beledxaawo iyo dekedda libooya, waa in loo kala dhiibaa seddex nin oo kale ah kismaayo harti, beled xaawo mareexaan, libooyo ogaadeen waana in ku xigeenno looga dhigaa dad ka soo jeeda qabaa,ilada kale. talyaha ciidanka waa in laga dhigaa nin harti ah, kan bilayskana waa in laga dhigaa nin ka soo jeeda qabaa,ilda kale. wasiirka maaliyadda waxaan ku talin lahaa in la siiyo mareexaan laakiin waa in ay san noqon mid ay sharciyeystaan oo ay ku doodaan waligeen anagaa lahaan jirnay waa meerto ninkii la doono ayaa loo magacaabyaa xilliga xigo. wasiirka arrmaha gudaha waa in la siiya qabaa,ilada kale, wasiirka dekedaha iyo qayradka badda waa in la siiyaa qabaa,ilada kale. waxaan filayaa qaybintani in ay tahay midda ugu dhow oo ay cid walbo iska arki karto miiska dushiisa