Home » Archive Daily July 17th, 2012
Yaa xildhibaan noqon kara? Baaq ku socda Soomaali wayn iyo Guddiga Dastuurka – By Eng. C/Rashid Sh. Maxamud Sh. C/laahi.
Waa maxay Xildhibaan? Waa qof sameeya ama badala Shuruuc; waxaa kaloo la yiraahdaa sharci dajiye, waxaa kaloo loogu yeeraa “Lawgive”. Waa maxay sharci? Waa nidaam u jidaysan dowlad ama umad ayna u aqoonsatay inuu yahay kan xadidaya dhaq-dhaqaaq umadeed. Waxaa jira shuruuc badan oo caalami ah, kuna salaysan ama ka yijmd dhaqan umadeed ama diin umadeed, horay u lahaan jirtay ama leh: kuwaasoo...
Eng. Abdi Soofe Warsame oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Dr. C/xakiin Maxamuud Khaliif Shire.
Aniga oo ah Eng. Abdi Sofe Warsame kana tirsan jaaliyada beesha Sade ee Dalka Mareykanka, waxaan aad uga Tiiraanyeesanahay geerida naxdinata leh ee ku timid Walaalkey C/xakiin Mahamoud Khaliif Shire. Allaha ha u naxriisto Dr. C/xakiin, waxaana tacsi u dirayaa dhamaan Reer Khaliif Shire, Marwa Baarlin Khaliif Ashkir iyo Caruurtisa oo dhan, waxaana leeyahay “Samir iyo iimaan Allaha naga...
Tacsi ku socota qoyska iyo qaraabada uu ka tagay marxuun C/xakiin Maxamuud Khaliif Shire.
Aniga oo ku hadlaya magaceeyga iyo Kan Jaaliyada Beesha Sade ee dalka Denmark kana tiiraanyeesan geerida naxdinta leh ee ku timid Walaalkeey, Saaxiibkeey Allaha u naxaristo’e Marxuum Dr. C/xakiin Maxamuud Khaliif Shire, ayaa waxaan dhambaal tacsiyeed u dirayaa dhamaan Reer Khaliif Shire, Marwo Baarliin Khaliif Ashkir, Caruurti Marxuumka iyo dhamaan ehelka oo dhan, waxaana Alle ka baryayaa in...
Ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga oo maanta Muqdisho Soo gaaray.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya soo gaaray ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga Bekir Bosdag waxaana la socday mas’uuliyiin aad u badan.
Wafdigaan waxaa soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, waxaana Bosdeg uu dhegax dhigay laanta saadaasha Hawada ee Garoonka Aadan Cade.
Saxaafadda mar uu la hadlay ra’iisul wasaare...
DEG DEG:- Dagaal ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya oo ka socda gobalka Gedo.
Dagaal ay ka qeyb qaadanyaan diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa ka soconaaya gobalka Gedo, waxaana dagaalka yahay xoogan.
Ciidamada dowladda TFG iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay u ruqaansadeen maanta dhanka degmada Baardheere oo Al-shababa ay ku sugan yihiin laakiin waxay halkaasi kala kulmeen iska caabin xoogan.
Warka aynu helnay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya...
Wareysi gaar ah: Farmaajo oo ka jawaabay musuqmaasuq iyo lunsashada hantida qaranka (Daawo Video)
Kaddib warbixin dhawaan ay soo saartay Golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Amniga ee la yiraahdo (Security Council) ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay wadamada Soomaaliya iyo Eretrea.
Dhinaca Soomaaliya ayay warbixinta Golaha Amaanka si gaar ah ugu bar tilmaameedsatay in xukuumadihii KMG ahaa ee Soomaaliya ugu danbeeyay ay ku kaceen lunsasho lacageed, musuq-maasuq, maamul xumo iyo wax isdaba marin...
