Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya soo gaaray ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga Bekir Bosdag waxaana la socday mas’uuliyiin aad u badan.
Wafdigaan waxaa soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, waxaana Bosdeg uu dhegax dhigay laanta saadaasha Hawada ee Garoonka Aadan Cade.
Saxaafadda mar uu la hadlay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaawaxa uu sheegay in Soomaaliya dhawaan ay ka sameen doonaan mashruucyo aad u badan si tartiib tartiib ahna ay u bilaabi doonaan qorshooyinka ay dalka ku mnaal gishanaayaan.
Intaa ka dib wafdigaan waxay kulan la qaateen mas’uuliyiin aad u badan oo u ugu horeeyo ra’iisul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas oo wax kasoo dhaweeyay wafdigaan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.