Dgaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab ayaa ka soconaaya maalintii Labaad gobalka Gedo.
Dagaalka ayaa saaka ka qarxay mar kale deegaano hoostaga degmada Bardheere ee gobalka Gedo, waxaana ka dhashay qasaare.
Saraakiisha dowladda TFG waxay sheegayaan inay dileen ciidan badan oo kamid ah Al-shabaab kuwo kalena ay dhaawaceen.
Dhanka kale barakac aan horay loo arag ayaa waxaa laga dareemayaa degmada Baardheere ka dib markii dadkii shacabka ahaa ay sheegeen in ay dagaalo ka baqanaayaan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.