Degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Siisii waxaa maanta ka dhacay qarax waxyeelo xoogan soo gaarsiiyay caruur aad u yar yar ka dib markii ay ku ciyaaraayeen Miinada ku qaraxday.
Laba carur ah ayaa qaraxaasi ku dhimatay iyadoona ay u dhaawaceen seddxa kale oo dhamaantoodba caruur ahaa ah sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan xaafadaasi.
Caruurta ayaa Miinada kasoo helay meel xaafadooda kamid ah, waxaana la sheegay in ay bilaabeen inay isaga ciyaaraan taana ay keentay in Miinadu ay ku qaraxdo.
Ma ahan markii ugu horeysay ay caruur sidaan oo kale qarax ku geeriyoodaan laakiin waxaa jirta qaraxyo sidaan oo kale ah oo ay ugu dhamaadeen caruur Soomaaliyeed.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.