Home » News »

Ramadaan Kariim walaalaha muslimiinta meel aad joogtaanba (Fadlan dhageyso nashiidyo lagu soo dhaweynayo bisha barakeysan ee Ramadaan.).

Asalaamu Caleykum Waraxmatu Allaah Wabarakaatuhu,

Maamulka shabakadda Allgedo Online waxuu salaanta Islaamka ku salaamayaa dhamaan muslimiinta meel ay joogaanba, waxaana farxad weyn u ah in uu wax kasoo dhaweeyo bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Walaaleyaal, waxaa marti noo ah oo naloo kaga baahan yahay in aan si weyn usoo dhaweyno bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil Raxmadeed iyo danbi dhaaf, waxaana meel aan joognaba hadaan nahay muslimiinta nala ka rabaa oo noo fiican in aan is wada cafino, aana badino akhrinta Qur’aanka, tukashada salaadda iyo Alla bariga.

Walaalaha muslimiinta ahow, meel aad joogtaanba waxaan idin leenahay “RAMADAN KARIM“, Rabbina hanaga dhigo kuwii bishan Ramadan nabad kusoo dhaweeya, nabadna ku sagootiya, isla markaana uu danbigooda dhaafo. Aamiin.

Aden A. Colujoog, AOL Editor in chief
allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.