Muqdisho, Somalia (AOL) – Xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee DFKM ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan jagada Madaweyne ee doorashada dhacaysa bishaan Augost ee ina soo haysa. Khudbad dheer oo uu Madaxwenuhu halkaas ka jeediyay ayuu ku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan eedaynta ay dhawaan baarista qaramada midoobay ku eedaysay in DFKM ay dhaqaale tira badan lunsatey.
Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa isagu gaashaanka u duruuray kuna tilmaamay been aan geed loogu soo gabban, hadalka ay dhawaan soo saartay Baarista Qaramada midoobay, kaasoo lagu sheegay in DFKM ah ee uu madaxweynaha ka yahay ay lunsatey dhaqaale aad u badan.
Madaxweynaha oo ka hadlaya lacago la sheegay in ay dowladda KMG ah ku maqan tahay ayaa yiri “anaga waxaan soo marnay waqti adag, waxaana jirta si aan dalka iyo dadka wax ugu qabano in anaga oo aanan lacag haysan aan dad ganacsato ah oo la yaqaano dayn kasii qaadanay, kuwaasoo aanan ilaa iyo hadda lacagahoodii la siinin. Marka soo cajiib ma ahan ayada oo uu xaalku sidaas yahay in nala ku tilmaamo in aan lacag lunsanay!.”
Mar kale, madaxweynaha oo ka hadlayay lacag lagu eedeeyay Ra’isal wasaarahihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu yiri “Waxaa jira lacag lagu eedeeyay Ra’isal Fwasaare Farmaajo, taasoo wadanka soo gashay ayada oo uu culeys ka jiro. Lacagtaas qeyb ka mid ah ayada oo aan Bangiga la marin ayaa la isticmaalay, maxaa yeelay dhibaataa jirtay, qeybna waxaaa la mariyay Baniga. Haddii aan Bangiga la marin waa maamul xumo waa sax, laakiin go’aanka dowladdaa iska leh.”
Lacagta uu Ra’isal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sheegay in ay ku maqan tahay maamulkii hore ee Farmaajo ayaa waxay gaareysaa 3.5 milyan.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan uu madaxweyne Shariif kaga hor yimid eedaynta loo soo jeediyay Madaxda ugu sareysa DFKM ah ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli madaxda sar-sare ee DFKM uu cadaadis ba’an kasoo food saarey dhinaca Qaramada Midoobay, isla markaanna la filayo in dhawaan loo tartamo jagada Madaxweyne ee ugu sareysa dalka.
Video-ga hoose ka daawo qudbadii Madaxweyne Shariiif:
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

ALLAH KARIIM – hadda shariif meeqa cadaan ah ayaad haysaa maanta markii laga reebo lacagta aad doorashada ku gelaysid xisaab xir ayaa lagaa rabaa.
Farmaaj mamul wanag ba lagu ceyriyay markii laga wayay wax isdabamarin. hay,addana ma eedeyn.sidaas awgeed sharif iyo abdiwaliyow xalkiina soo uma eka nin daad qaaday xumbo cuskey?
Jaalle Madax weyne waanu oganahay waxa aad qabatey taariiqdunase wey ku sheegin balse kuwii kaa horeeyey ku tusaalo qaado meesha ay mareen iyo sida ayaga oo kursiga jecel loogu amrey in ay ka taagan shaqada. Marka ma waxaad sugeysaa in amar cad lasoo saaro oo hadhow lagu xiro mise inta Amarku soo bixin ayaad rabtaa in si hoose wax loo dhameeyo oo lagaa daayo dacwad iyo dacaayad oo aad meeshaad rabto aad si nabad ah ku marto. Waxaa iga talo ah marka hore inaad ogaataa ninkii gaalo mugdi kula heshiiya aaqir ceebtiisa ayey sheegaan, ninkii inta u shaqeeya ka hor yimaada aaqir meel xun ayey ku ridaan. Marka si hoose ula hadal una sheeg in aad tanaasuleyso kuna xir howlahaan lagaa xiro si aad amaan iyo sumcad u hesho.
sheikh shariif madaxwaynaha somalia, dad badan oo somaliyeed waxaan shaki ku jirin in ay rumaysan yihiin in madaxwaynaha, sheikh shariif, shariif sakiin, iyo raysal warsaare gaas ay lunsadeen lacago aad u tirada badan warbixintuna waxay ay un sii iftiimaysay tuhunkii un laqabay. laakiin waxaa la orankaraa waxaa ay warbixintu ku qaldantay ama ay u gaftay raysalwasariihii hore ee mudane maxamed cabdulaahi Farmaajo.
waan idiin salaamay dhamaantiin Mar hadii uu madaxweynaha qirtay LACAG uu Risalwasarahii hore FARMAJO oo 10 Milyan ah soo qaaday QAARNA BANKIGA lagu shubay, qaarna 3.5 milyan kale aan lagu shubin BANKIGA sow ma cada in 2 Masuul Madaxwaynaha iyo Farmajo ay masuul ka yihiin 3.5 Malyan kaas Aanan BANKIGA la marsiinin sharci ahaan waa in ay martaa BANKIGA DHEXE hadii Dowlad wanaag jirto laakiin labadaas masuul ba waxay u dhaqmeen sidii
( dictatorship ) waayo Lacagta mar walba waa in martaa BANKIGA sharciga dowlad nimo Madax waynaha wuxuu lee yahay Wax baan ku FURFURNAY taa micnaheeda waa lagan karaa oo Caruurta ayaa fahamsan,
Mahad sanid
Asc. Een runtii waa arin ku soo aadey xili ay umada somaliyeed ay isha ku hayaan farmaajo oo dalka ka noqda inuu madax weyno noqdo. Arinka oo aan isleeyahay Timir laf baa ku jirto ninkii cuneyna og. Anigu sade ama majerten iyo abgaalba ma ahi, sida iigu muuqata waa mid loogu tala galey in uu farmaajo meesha ka baxo, waxaana ka danbeeyey masuuliin diidan in farmaajo ku guuleyto, gaar ahaan nin uu farmaajo dhihi jirey waa sxbkee waana nin u qalma xilka R/w abdi wali, isagoo garab ka helaya aabihii faroole, marka jaale farmaajo tol ma lihidee iska daa madaxtinimada aad isku soo sharaxeeso, hadii aad taladeyda diido waxaa dhici kara in si xariiftinimo laguu dilo, ka dibna la dhaho waqtigiisa aa dhamaadey, ileen tol lagaaga baqaayo ama ii raadinaayo sida aad u dhimatey ma jiro, balse waxaan ilaah ka baryaa hadii kheyr inoogu gaa jiro in uu ilaahey kugu guuleesiiyo, allaa mahad iska leh