Muqdisho, Somalia (AOL) – Afhayeenka Gudiga Farsamada Saxiixeyaasha Roadmapka Dr. Cabdilweli Garbacune ayaa manta ka warbixiyay halka ay marayso howshi gudigaasi loo egmaday.
Dr. Garbacune ayaa waxaa uu shegay in howshi loo xil saaray Gudiga Farsamada ay meel ficaan u marayso isla markaana ergadii ansixinta dastuurka lasoo gudbiyay 99%, haddana ay ku howlan yihiin sida ay ergadaasi ugu sameyn lahayeen baajajkii ay shirka uga qayb gali lahaayeen.
Afhayeenka ayaa waxaa uu shegay in ay jirto qalab yaraan haysa shirkada samaysa kaararka ama baajajka lagu galaayo shirweynaha ansiixinta Dastuurka Somalia, waxuuna intaasi raaciyay in shirkadaasi ay awood u ledahay in maalinti ay soo saarto (300) oo baaj taas oo ka dhigaysa in mudo 3 bari ah loo xayirnaado sameynta 825 baajaj ama kaararka.
Dr. Garbacune ayaa waxaa uu shegay in guddiga Farsamada ay ka kooban yihiin aqoonyahano qibradooda aad u sarayso oo ka kala yimid dal iyo dibad kuwaas oo ay ka go’an tahay wax ka qabashada xaalada murugsan ee Somalia.
“Inta aanu nimid waxaa na soo wajahay caqabad inoga timid dhanka Odayaasha dhaqanka ayadana wa la xaliyay kadib waxaanu qabanay shaqo la taban karo sido kale shaqada aan u hayno ummada Somaliyeed waxaay ku socon doonta si xowli ah ila la soo dorto Madaxweynaha Cusub ee Wadanka 20 Agousto” ayuu yiri Dr. Garbacune.
Halkaan ka dhageyso wareysiga afhayeenka Guddiga Farsamada oo dhinacyo badan taabanayo.
————-
Axmednuur Maxamed, Muqdisho/Somalia.

Adoogaa Alle jannee ina Garbocune. Hoosta iiga qor anigaa riixanayee baa nin laga sheegay. Nabee wuu riixday. Af-hayeenka guddiga kuye!
Mansha alah Dr. Garbacune wa aqonyahan nin karmeed ah marna lagama filanaayo in hortiisa wax lagu qaybsado oo uu ka qado sida qoliyihii barlamanka nogu jiray oo xata ayagu aanan marnaba ka mid noqon gudiyada barlamanka Garbacune waxaan ku leyahay shaqadada wado Barlamanki hore intooda waxtarka ah ee ku sugaan Gedo ma ahane inta kale Shabad weyn ku dhufo laba goorba adiga aya lagu soo marsinaya oo gudiga farsamada ugu jira Sade mid wa qaswade dheh mid al-shabaab ayu tageera mid dagaaladi sakeeye ayu ka qayb qatay dheh adigu meel ha u wayn.