Home » News »

Baarlamaanka DDSI oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka iyo maalinta 24-ka January oo loo aqoonsaday in sanad walba laga dabaal dago dhulka Soomaalida Itoobiya.

Jigjiga, Itoobiya (AOL) -  Kalfadhigii 5aad ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ayaa maanta lagu ansaxiyay miisaaniyadda sanadka isla markaana sanad kasta, January 24 loo aqoonsado in ay tahay maalin si weyn looga dabaal dagi doono deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maalinta January 24 ayaa la sheegay in ay Soomaalida Itoobiya ka tahay maalin weyn oo xasuus iyo qadarinba mudan, sababtoo ah waa maalinta  xukuumadii ugu horaysay ee uu deegaanka Soomaalida yeeshay looga dhawaaqay magaalada Dirirdhabe sanadku markuu ahaa January 1, 1993, ayada oo madaxweynihii ugu horeeyay ee ay Soomaalida Itoobiya yeelatana uu ahaa Allaha u naxariistee C/laahi Maxamed Sacdi.

sida uu dhigayo qodobka 74(2,S) dastuurka dawlada deegaanka soomalida itoobiy waxay awood u leedahay in ay diyaariso islamarkaana maamusho miisaaniyadeeda. Maadaamo oo ay lagama maar-maan noqoday in si rasmiya loo bayaamiyo miisaaniyada DDSI ee S.M 2005 TI, waafaqsan qodobka 62(7) dastuurka jamhuuriyada Federaalka itoobiya ee golaha federaalku u dajiyay nidaamka

Miisaaniyaddii maanta la ansixiyay ayaa noqotay sida soo socota:  Miisaaniyada mashaariicda iyo mida caadiga ah ee heer deegaan waa 1,852,113,600 birr,   miisaaniyada kabista ee degmooyinka iyo magaalooyinka waa 1,643,283,600 birr, mida horumarinta magaalooyinka (kabista gaarka ah waa 67,072,800 birr, wadarta guud waa 3,562,470,000 birr.

Ilaha miisaaniyada heer deegaan waa:  Khasnada dhexe = 1600,283,600 birr,  dakhliga heer deegaan = 200,000,000, Deeqaha dibada = 44,200,000, daynta bidaba = 7,610,000, wadarta = 1,852,113,600.

Ilaha miisaaniyeed ee heer degmo (source) Ka bida heer degmo (ka bista Guud) = 1,271,176,731, dakhliga degmooyinka =235,400,000, wadarta Guud waa 1,506,576,7311.

Ilaha miisaaniyada horumarinta magaalooyinka Kabista magaalooyinka (kabista guud ) = 137,179,669, dakhliga magaalooyinka = 66,600,00,  wadarta Guud waa 203,779,669, wadarta Guud ee kharashka deegaanka = 3,562,470,000.


—————–
Faarax Cabdi Guure – Dheeka, Liibaan/Ethiopia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Baarlamaanka DDSI oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka iyo maalinta 24-ka January oo loo aqoonsaday in sanad walba laga dabaal dago dhulka Soomaalida Itoobiya. "

  1. gold account says:

    Wadarta guud ee deeqaha soo gaadhey UB waa $74,000. Kharashka lagu qiyaasay in ay dhismaha Jaamacada oo laga dhisi doono halkuu ahaan jirey dugsigii hore ee Daaqa Qaranka waxaa lagu qiyaasay $212,000. Lacagta ilaa hadda soo xarootay waxay noqonaysaa 35%. Lacagta Jaaliyada Somaliland ee degan United Kingdom lagu soo qaybiyey waa $100,000 (oo u dhiganta 47% wadarta guud). Reer London nus baanu isa saarnay $50,000. magaalooyinka kalena qaarna $5,000, qaarna $10,000. Markaa idinka Cardiff ahaan $10,000 baa la idin saarey.

  2. Gundiid says:

    Xaaladu Meel wanaagsan ayeey ma reeysaa…..Ethiopia wexeey ogolaatay in eey fuliso shuruudihii O N L F eey ku xirtay wada hadal dhexmara ayaga iyo T P L F………arrintaasi waxaa sii xoojinaya O N L F oo heshiisyo Shidaal la gashay Shirkado waaweey oo aduunka saameeyn ku leh…… hadeey guul ku dhamaadaan wada hadalada eey Ethiopia ogolaatay, waxaa hubaal ah in eey siyaasada geeska Africa wax weeyn iska badali doonto khaasatan tan Ethiopia oo O N L F Xukunka Ethiopia qeeyb libaaxa ka qaadan doonto ayadoo isla markaasna u madax banaan arimaha Gobolka Ogadenia……Tigree kaliya wadanka ma xukumi karo….waligiis hada wuxuu aad u daneeynayaa in eey la heshiiyaan O N L F sababtoo ah 20 ka dib weey ku cuslaatay xukunka ethiopia Melez iyom qabiilkiisa…..Xabadii eey islahaayeen waad ku soo cirib tiri doontaan O N L F weey ku fashilmeen lagana hor istaagay in eey awood wax gal ah ku yeeshaan Ogadenia….Ina ileey iyo kooxdiisa waxaa loo dirayaa retirement Program oo ah shaqa ka fadiisin …..Liyuu boliskana waa ciidanka qaranka ee dufaacaya xuquuqda Somalida Ethiopia…..askartan amxaarada iyo tigreega ahna waa la masaafurinayaa oo qodobada heshiiska ayeey ka mid noqonayaan in eey ciidamada ethiopia ka baxaan deegaanka eey caburinayeen waligood….Naftood hurayaasha O N L F iyo liyuu boliska ayaa la wareegaya degaanka amaankiisa……