Home » News »

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo ka digay in mar kale la doorto madaxdii hore ee DFKM ah

Muqdisho, Somalia (AOL) – Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ku meel gaarka ah ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray baaq iyo digniin wada jira, kuwaasoo ah in laga digtoonaado in mar kale dib loo doorto madaxdii hore ee DFKM ah ee horey ugu kacay musuq-maasuqa ama lunsashada hantiga qaranka.

Saleebaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Mudanaasha Baarlamaanka ee ugu fir-fircoon, islamarkaana ka mid ah Guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka kumeel gaarka ah oo u waramayay mid ka mid ah idaacadaha maxaligga ah ee ka baxa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay haboonayn in madaxdii hore ee DFKM ah ay mar labaad isa soo sharaxaan, iyagoo haatan lagu eedaynayo Musuq-maasuq.

Xildhibaan Saleebaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in haddii ay dhacdo in dib loo doorto kuwa haatan ku kacay musuq-maasuqa ay suurta gal tahay in dib loogu laabto dagaalo sokeeye oo socda 21 sano oo hor leh.

Dhinaca kale, waxaa Xildhibaan Saleebaan uu ku eedeeyay Xukuumadda Gaas in ay caadeeysatay in miisaaniyadda ay isticmaaleyso aanay baarlamaanka horkeenin, taasina ay tahay arin sharciga ka hor imaanayso.

Si kataba ha ahaatee, hadalkaan baaqa iyo digniinta ah ee ay soo saareen gudiga maaliyadda ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli labada Shariif ee ugu tunka weyn dhinaca musuq-maasuqa ay sheegeen in ay u sharaxan yihiin jagada Madaxtinimo ee ugu saraysa Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka ee Muqdisho.

———-
Daahir F. AFdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.