Home » News »

Mulkiilihii Taleex Meediya oo shiil baabuur ku geeriyooday iyo fanaanadda caanka ah ee Saado Cali oo dhaawac ah.

Garowe, Somalia (AOL) – War goor dhow naga soo gaaray caasimadda maamul goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in shiil baabuur oo ka dhacay meel u Garoowe u jirta 50 km uu ku dhintay Maxamed Cali Cilmi Ciid oo ahaa mulkiilihii iyo tifaftirahii Taleex Media.

Wariyahaan geeriyooday iyo Fanaanada Saado Cali oo ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa kusii jeeday magaalada Garoowe oo sida la sheegay ay ka jirtay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo la rabay in lagu soo dhaweeyo fanaanadda caanka ah ee Saado Cali iyo wariye Maxamed Cali Cilmi Ciid.

Shiilkaan oo ku dhacay si lama filaan ah, ayada oo sida la sheegay ay si xowli ah isugu dhaceen baabuurka ay saarnaayeen wariyaha iyo Saado Cali iyo mid kale oo ka yimid dhanka Garoowe ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah wadihii baabuurka ay saarnaayeen wariyaha iyo Saado Cali halka ay laba qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Dadkii dhaawaca ahaa oo ay ka mid tahay Saado Cali ayaa hadda waxay ku sugan yihiin oo lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaal Garoowe.

Wixii kusoo kordha shiilkaan uu qasaaraha badan ka dhashay kala soco wararkeena danbe.

————
Maxamed Huruuse, Gaalkacyo/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.