Home » »

block222

block222

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " block222 "

  1. Wadani says:

    Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho oo qilaafkoodu uu gaaray heerkii ugu sarreeyay, Iyo qaar kamid ah Odayaashaasi oo Warbaahinta u sheegay in Dastuurka aan la’ansixin karin illaa laga saaro 10 Qodob oo Diinta Islaamka ka hor’imanaya, Qarannimada Soomaaliyeedna meel kaga dhacaya.
    Madasha uu Shirku uga socdo Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho la’isugu keenay, Ayaa Maanta markale Buuq uu hareeyay kadib markii Guddi lagu sheegay Guddiga farasamada oo Odayaashaasi laga soo dhex xulay ay sheegeen in Soo xulitaankii Ergadii ansixin lahayd Dastuurka uu haatan marayo heer gabo-gabo ah islamarkaana lagu guda jiro dhameystirkooda.
    Odayaasha Dhaqanka oo aad mooddo in ay u kala tartamayeen Warbaahinta ayaa durbadiiba halkaas Buuq iyo Sawaxan ka billaabay, Iyagoo ku gacanseyray hadalka kasoo yeeray Guddiiga farsamada oo ay u arkeen mid aan iyaga Mowqifkooda ka turjumin balse la shaqeysta Madaxda DKMGka ah.
    Waxaa dhankii Odayaashii wax dhaliilsanaa u hadlay Caaqil Max’ed Aadan oo sheegay in wax dhamaaday aaney jirin iyo arriin la’isku raacay toona, Waxana uu ka dhawaajiyey in Dastuurka lasoo gudbiyey aanu u cuntamin Odayaasha Dhaqanka, Islamarkaana ay Odayaashu soo jeediyeen in Dastuurka laga saaro 10 Qodob oo si toos ah uga hor’iamanaya Diisnta Islaamka Qarannimada Soomaaliyeedna meel kaga dhacaya.
    Warbaahinta oo markii Buuqu dhacay Shirka laga soo saaray Dibadjoogna ka ahayd, Ayaa Waxa Dibedda kula hadlay qaar kamid ah Odayaashii dhaliishanaa qaabka wax ku socdaan, Waxana haatan muuqata in Odayaasha Muddada lagu shirinayey Muqdisho ay 2 dhinac u kala jaban yihiin, Qaar raacay Madaxda DKMGka ah oo iyaga Jeebkooda la qooyay, Iyo Qaar weli aan la’afgaran sida muuqata.