Dheeka, Itoobiya (AOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dheeka ee gobolka Liiban oo ka tirsan Ismaamulka dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in maalintii shalay aheyd ay labada beelood ee Sade iyo Dagoodiye ku dagaalameen deegaanka Waleysolamaan oo qiyaastii 47 km dhanka Koofur galbeed kaga beegan degmada cusub ee Dheeka.
Dagaalka oo dhex maray dad reer baadiye ah ayaa sida la sheegay waxaa soo qaaday Dagoodiyaha, waxayna dhimashada labada dhinac oo la’isku daray gaareysaa 5 qof, halka dhaawaca labada dhinacna uu gaarayo ilaa iyo 7 qof.
Xurgufta labadaan beelood u dhaxeysa ayaa waxay salka ku haysaa deegaanada ayada oo ay qolo walba sheeganeyso deegaanada u dhaxeeya Xaya Suufto iyo Dheeka, taasoo keentay in beelahaan wada dega hadda ka hor ay dhowr jeer ku dagaalameen deegaanadaas, dagaaladaas oo ay ka dhasheen qasaaro culus oo naf iyo maalba leh oo labada dhinac soo kala gaaray.
Dagaalka hadda ka dhacay Waleysolamaan ayaa la sheegayaa inuusan lug ku laheyn dhanka siyaasadda iyo xurgufta u dhaxeysa labada beelood, balse uu yahay oo kaliya mid ka dhashay is-maandhaaf ka dhashay dhulka daaqsinta ah ee ay labada beelood wada degaan.
Ilaa iyo hadda lama soo sheegin in ay dagaaladii labadaan beelood ku dhex maray dhulka baadiyaha ah uu istaagay iyo inay wali socdaan.
Wixii akhbaar ah ee kusoo kordha xiisadahaan dagaal ee dhulka baadiyaha ah ku dhex maray labada beelood ee Sade iyo Dagoodiyaha kala soco wararkeena danbe.
————-
Faarax Cabdi Guure – Dheeka, Liibaan/Ethiopia.
Hoos ka daawo Video ku tusaya gogol nabadeed oo bishii hore ee April ay labada beelood isugu yimaadeen, halkaas oo ay kusoo saareen qodobo muhiim ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen.
HOOS WAXAAD KU ARKI DOONTAA KULAMO DHOWR AH OO AY BEELAHA SADE IYO DAGOODIYE ISUGU YIMAADEEN DEEGAANKA DEGMADA DHEEKA EE GOBOLKA LIIBAAN.
Kulan ka dhacay Dagmada Deka maalmihii qadada
November 30, 1999 at 12:00 am
Title: Kulankii ka dhacay dagmada Deka maalmihi qadada
Description: Heshiiskii dhexmaray labadii beelood ee ku dagaalamay dagmada Deka oo katirsan gobolka Liban, kililka shanaad ee dalka Ethiopia.
Mariixaan iyo Dagoodiye oo ahaa labadii beelood ee ku dagaalamay dagmada Deka ayaa heshiis noqondoona mid waaro -insha allah -ku dhex maray labada beelood heshiiskaasi oo ay kaqayb galeen mas,uuliyeen sar-sare oo ka socoto dowlada kililka her deegaan, gobol iyo dagmo. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiska saraakiil sar-sare ee booliska fadaralka iyo kuwo heer gobol ah.
Waxaa kale oo kasoo qayb galay aqoonyahano kasoo kala jeedo beelahaas. Heshiiskaasi oy daadihenayeen Ugaaska Mareexaan Ugaas Cabdi Ugaas Daahir iyo wabarka beesha Dagoodiye iyo dhammaan cuqaasha iyo nabadoonada labada beelood.
Mas’uuliyiinta kasoo qayb gashey heshiiska waxaa kamid aha: Maxamed Guure/ wasiir heer deegaan, waa mas’uulkii u sareeyay gudiga nabada. Saadiq Cali Maxamed/ wasiir heerdeegaan/xafiiska xuduudaha deegaanka soomalida. Cabinasir Maxamed Santuur/xafiiska maalgalinta deegaanka soomaalida Xaaji Xuseen/xuduudaha gobolka liibaan Khadar/ xeer ilaaliyaha gobolka liibaan. Subur / cornaylka boolista gobolka libaan. qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:
1) In aan dib loo raad raacin wixii dhacay dhimasho, dhaawac iyo wixii hanti bur-buray maadaama ay ahayd fitno ka dhex qaraxday dad muslimiin, daris iyo walaalo ah.
2) In ilaahey looga tawbad keeno dhibaatadaa dhacday ee ay ku nof waayeen dad badan hanti badana ku bur-burtay.
3) In laga fogaado wax walba oo keeni karo isku dhac danbe sida hadalka xun iyo ficilka xun ee aan ku haboonayn walaalnimada iyo darisnimada.
4) In la isugu kaalmeeyo wax walba oo sharci ah oo saacidaya heshiiskaas.
5) In lagu dadaalo dulqaad iyo kaadsiinyo hadii ay jabaq soo yeedho.
6) In si walaaltinimo, darisnimo loo wada camiro dhulka lagu dagaalamay qof walbana uu dagi karo meesha uu doono. waxaa si wada jir ah loogu duceeyay dadkii uu dhibka soo gaaray dhamaan. iyadoo la wada habaaray qof walba oo ku fikiro ama ka shaqeeyo wax walba oo jabinayo heshiiskaas.
Waxaa layaab lahaa dakii shalay nafta is ka jarayay sida ay maanta u wada qadeynayaan iyagoo farxad iyo reyn-ren ay ka muuqato.
Llaba maalmood oo is xigo waxay u hayd labada beelood maalmo cunitaan,cabitaan iyo qosul iyagoo midba midka kale uu martiqaad ugu fidiyay xarutiisa (Deka iyo Xaya suufto), waxayna ahayd laba maalmood oo la hilba qalanayay. ugu danbayn waxaa la qabtay gudi farsamo oo sii dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah is dhexgalka dadkaaasi iyo qaabkii ay u wada dagi lahaayeen, gudigaas oo ka kooban 14 xubnood si isla egna ugu kala yimid laba beelood.
Magacyada gudiga beesha sade:
1) Cali sh Ibrahim
2) Dabow Cabdi Muumin
3) Mahdi Cadow Burgal
4) Cukaash Muxumed Yalaxow
5) Sh Xassan Muxumed Magaalle
6) Dhaqane Adan Cabdille
7) Cabdi Rooble Ibrahim
Gudigga beesha dagoodiye:
1)Axmed Sh Mahad
2) Axmed Macalin Qayley
3) Rasiid Sh Xassan
4) Maxamed Cali
5) Cadde Yarow Cali
6) Axmed Muxumed Xalane
7) C/salaan Cabdi.
————–
Video-ga iyo qoraalka ka hooseeya waxaa AOL usoo gudbiyay Cabdi M. Faarax oo uu email-kiisu yahay – farah600@gmail.com

Amxaara ayaa isku direeysa dadka walaalaha ah ee deegaanka dagan si looga mashquuliyo u doodida xuqooqdooda….. xabada eey ka leexiyaan Abbysinia isla markaana somalidu isku dhamaato………Fadlan walaalayaal is daaya …dhulka deegaanka iyo barwaaqadiisuba naga badan
As.c. Walaalayaal waa bishii ramallaan ee barakaysnayde allow barakadeeda na sii aan u galo dagaalka .dagaalku wuxuu dhex maray ciidan dagoodi ah oo isku dayay in ay xoog ku cabbaan warta la yiraahdo waleysa lammaan iyo koox yar oo reer miyi ah oo reer-xasan ah halkaa oo burcaddii dagoodiye laga eryay aaggii isaga ahaa jab xunna loogu geystay 1 ninna laga dilay markaa ka dib ay la soo baxeen dhaqankii foosha xumaa ee lagu yaqaannay .cararkii ay cararayeen ay mareen 2 wiil oo kuray ah oo geel la jiray halkaana ay ku gowraceen geeliina ay kaxaysteen . Marka dadkaa aanan aqoon shuruudaha iyo qawaaniinta dagaal ayaa sidaa ay wax u dhaceen
asc ,, Ramadaan kariim walaalaha islaamka e somaaliyeed .. 2…..HARED …. walaal horta dagoodiye maaha dadka aad kahadleeso kkkkkkk somaali wa istaqaan jabhada n f d e lagu sheegayaba dagoodiye bay eheed cid la eryado kaweyn kk…… muslin dhiigisa haku farxin waxaad lamid tahay adigo wax kagestay …. tan deegan walaal maxaa magaalada weyn e dagoodiye looga dhigi waayay degmo e tuulada mareexaan looga dhigay??? waxa dhulka s/galbeed kasocdo wala ogyahay iyo meeshay arintu salka ku heyso, hadi dagoodiye dhulkiisa dheel dhel lagu helayo kenya ka arki laheed. somaalidan lo tashtee inlalaayo iyo inlesku laayo lo qorsheeyay wa u nasiib darro ineysan garan dhagarta cadowga,