Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa dhac waxay xalay ka geesteen xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen goobo ganacsi oo halkaasi ku yaala waxaana ay ka qaateen lacago aad u badan oo la sheegay in dukaanleey ay lahaayeen.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa inoo sheegay inay ka maqan yihiin lacago aad u badan isla markaana ay ka dalbanaayaan saraakiisha dowladda KMG in ay arintaan wax ka qabtaan.
Maalmahaan dambe waxaa kusoo badanaayay degmada Hilwaa dhaca loo geesanaayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi mana jirto wax arintaasi ilaa iyo haatan laga qabtay.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.