Home » News »

Shirkii Odayaasha dhaqanka oo maanta mar kale dib u dhac uu ku yimid.

Waxaa maanta dib u dhacat kulan la filaayay in magaalada Xamar uu uga furmo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xuli lahaa dastuurka cusub ee Soomaaliya ergada ansixin lahayd.

Odayaashaan ayaa laga filaayay in maanta ay si kama dambees ah usoo gudbiyaan magacyada ergada ansixin lahayd dastuurka cusub ee Soomaaliya hase yeeshee arimo farsamo awgeed ay dib ugu dhacday.

Markii ay odayaashaan dib u dhaca uu ku yimid durba waxaa madaxa isla galay mas’uuliyiinta dowladda TFG maadaama ay ku fashilmeen qorshihii ay soo dhoob dhiibayeen in muddo ah.

Intaa ka dib madaxda dowladda waxay bilaabeen kulamo deg deg ah oo ay la qaadaanaayeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si markaan ay odayaasha u qabsadaan waqti kama dambees ah.

Si kastaba Odayaasha dhaqanka ayaa maanta dib u dhacay markoodi labaad horay ayeey ahayd 12-ka bishaan balse cilado ay sheegeen odayaasha ayeey dib uga dhaceen balse xilligaan lama oga waxa xigi doona arintaan.

Cumar Cali Maxamed,  Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.