Home » News »

Meles Zenawi oo la sheegay in ay naf xun ku jirto (Reports say “he is clinically dead”

Warbixino ay AOL ka heleyso ilo kala duwan ayaa waxay sheegayaan in Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ay naf xun ku jirto.  Xaaska Ra’isal wasaaraha Azeb Mesfin ayaa la sheegay in ay habeyn hore u duushay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayada oo safarkaas deg-degga ah ee ay afarada Meles ugu kicitintay dalka Talyaaniga lagu macneeyay ayada oo ka baqeysa inuu dhibaato u geysto siyaasiga lagu magacaabo Sebhat Nega oo ay horay dhibaatooyin badan ugu geysatay.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in mar uu hadda ka hor Meles shir ay lahaayeen G-20 uu kaga qeyb galayay magaalada Mexico uu ku dhacay xanuun soo food saaray awgiis ay mas’uuliyiin Mareykan ah oo aan magacooda la sheegin ay takhtar Itoobiyaan ah oo wax ku bartay kana shaqeysta Mareykanka ay ka dalbadeen in uu aado Meles oo uu daaweyntiisa gacan ka geysto, balse uu takhtaarkaas diiday codsiga mas’uuliyiinta Mareykanka uga yimid.

Dhanka kale, warar kale oo naga soo gaaraya ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in laga soo bilaabo July 14, 2012 inay xaaladda caafimaad ee Meles Zanawi ay kasii dareyso, taasoo ay wararku qaar sheegayaan in ay naf xun ku jirto.

Meles Zenawi ayaa xanuunka uu la’il daran yahay waxaa lagu sheegay in ay tahay buro madaxa uga taala (brain tumor), taasoo la sheegay in ay tahay GLIOBLASTOMA MULTIFORME uu cabirkeedu yahay 4.  Buradaan oo la sheegay in ay si tartiib-tartiib ah usii weynaaneyso ayaa waxaa markii ugu horeysay lagu sheegay Ra’isal wasaaraha sanaddii 2006.

Ra’isal wasaare Meles ayaa hadda ku jira laguna daaweynayaa Isbitaalka St. Luke Clicic oo ku yaala magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Waxii akhbaar dheeri ah ee kusoo kordha caafimaadka Ra’isal wasaare Meles oo hadda si weyn looga dayrinaayo dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.

———-
Mohamed Bare, Addis Ababa/Ethiopia.

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Meles Zenawi oo la sheegay in ay naf xun ku jirto (Reports say “he is clinically dead” "

  1. aarlibax says:

    allgedo.com aad ayaad umahadsantihiin xogta dhabta ah ee shaydaankaas sixiroolaha ah aad naga siiseen sida muuqatana nafta ayaa kusii wis leh ilaahay cadaabta haku fogeeyee

  2. G says:

    ilaahay kaama kiciyo..

  3. FIIQ says:

    cadaabta alaha galiyo ,

  4. Keerow Abdi says:

    Hadhinto kolley gaalkiis kale ayaa ujoogee

  5. Ali says:

    Melez noolow weligaa, haddii aad dhimatana jannadii ilaahay ha ku geeyo. Waxaad tahay halyey u kacay Afrika gaar ahaana geeska afrika. Dhimasha kama baqaysid oo qofwalba waa dhiman, laakiin ilahay waxaan ka baryayaa in uu cimri dheer iyo caafimaad ku siiyo.

  6. Khaliji says:

    Asc alxamdulli lah runti war lagu farxo weyan . Allah ha u ziyadiyo koley ku ka ka cayo ma ahan cudur kase waxan Allah ka bar yayaa sakaradka inu ku dhibo. Musliminta waxan leyahay wa bil ramadane Allah ubr ya inu kakicin oo saka rad ka Allah kudhibo. Ayaga iyo yuhuda iyo wixi musliminta neceb inta wo