Jaaliyadda Gal-jubba ee London waxay tacsi u dirayaan qoyski iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Danjire Jaamac Dirir oo maalintii Sabtida oo ay taariikhdu aheyd July 21, 2012 ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Waxaan geeridan naxdinta leh uga tacsiyeynaynaa dhammaa saaxibadii, jaaliyadda Soomaaliyeed ee London iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu mas’uulka usoo ahaa muddada dheer.
Waxaa kale oo aan Ilaahay uga baryeynaa marxuumka in uu u naxariisto jannadiisa fadawsana uu geeyo, dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin, aamin.
———–
Guddiga fulinta jaaliyadda GJ.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
waxaa halkaan tacsi ugudirayaa dhamaan eheladii iyo dhamaan qaraabadiisa. Ilaahay ha u naxariisto janadii fardawsa ha ka waraabsho.