Augastine Mahiga oo ah Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa war saxaafadeed uu kasoo saaray Xafiiskiisa ku sheegay in la kordhin doono tirada Xildhibaanada cusub ee uu yeelan doono Baarlamaanka DFKG ah.
Kal hore ayay ahayd markii la shaaciyay in tirada xildhibaanada ee kumeel-gaarka ay noqon doonaan 225 xubnood, halka Mahiga uu haatan sheegayo inay noqon doonaan 275, taasoo micnaheedu yahay in lagu daray 50 xubnood.
Mahiga Agustine mar uu la hadlayay Madax-dhaqameedyada ku shiraya magaalada Muqdisho ayuu u sheegay in Beesha Caalamka uu ka codsadey in tirada Xildhibaanada ee cusub laga dhigo 275 xubnood. “Beesha Caalamka waxaan u sheegay in tirada Xidhibaanada laga dhigo 275, anigoo tixgelinaya codsigiina, wayna iga ogalaatay ayuu Mahiga ku yiri Madax-dhaqameedyada!.”
Madax-dhaqameedyada ku shiriyo magaalada Muqdisho ayaa horey Mahiga oga codsaday in tirada xildhibaanada la kordhiyo, waxayna taasi muujinaysaa in wax kasta oo Soomaaliya ku saabsan Mahiga looga dambeeyo.
Ma jirto cid ka tirsan DFKM ah iyo laba Cali oo isweydiisay ama ka hadashay mowqifkaan cusub ee ay qaateen Beesha Caalamka iyo gacan-yarahooda u jooga Soomaaliya Agastine Mahiga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in madaxda DFKM ah aanay waxba gacantooda ku jirin ee ay ku socdaan wixii loo meeriyo, waxayna taasi ka turjumeysaa faragelinta ba’an ee lagu hayo Dalka iyo Dadka Soomaalieed.
Xafiiska Warqabadka ee Muqdisho.
———–
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.