Brussels, Belgium (AOL) – War goor dhow naga soo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa sheegaya inuu wali Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya ee Meles Zenawi uu xanuun awgiis ugu jiro Saint-Luc Hospital oo ku yaala magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Meles Zenawi oo ku jira Brussels Saint Luc Hospital Intensive Care Unit (ICU).

Muuqaalka Isbitaalka uu Meles Zenawi ku jiro.
War ay dhawaan Addis Ababa kasoo saartay xukuumadda Itoobiya oo todobaadyadii lasoo dhaafay sheegi jiray in ay been tahay inuu Meles hayo xauun uu Isbitaal kula jiro ayaa waxuu sheegay in Ra’isal wasaaraha uu shaqada ka qaatay fasax (leave of absence), taasoo keentay in la’is weydiiyo qofkii inta uu Ra’isal wasaaraha shaqada ka maqan yahay howsha sii wadi lahaa.
Sharciga dalka Itoobiya u yaala ayaa waxuu sheegayaa haddii ay Ra’isal wasaaraha lasoo gudboonaato maraxalad adag oo uusan howsha ku wadi karin inuu booskiisa buuxiyo oo uu howsha sii wado Ra’isal wasaare ku xigeenka, laakiin sharciga si cad uma qeexayo in Ra’isal wasaare ku xigeenka uu howsha Ra’isal wasaaraha oo dhan sii qaban karo iyo in kale.
Diblumaasiyiinta qaarkood ayaa waxay walaac ka muujiyeen cidda howlaha culus ee uu Meles hayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay qaban doonta haddiiba ay dhacdo inuusan dhaqsiyo shaqada ugu soo noqon.
Hadda howlihii dowladda dhexe ee dowladda Itoobiya waxaa sii haya Hailemariam Desalegn oo ah Ra’isal wasaare ku xigeenka Meles Zenawi, balse lama oga xiriirka asaga iyo mas’uuliyiinta sar-sare ee sida weyn daacadda ugu ah Meles ee Tigreega ah inta uu la’eg yahay.
“Mr. Hailemariam oo ay da’diisu tahay 47 sano jir ayaa hadda waxuu ka qeyb galayaa shirweyne ka dhacaya dalka Shiinaha, laakiin waxaa la filayaa inuu dhawaan si deg-deg ah dalka dib ugu soo noqdo”, sidaas waxaa yiri Bereket Simon oo ah afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya.
Afhayeenka ayaa waxuu kaloo yiri “howlihii dowladda si caadi ah ayay u socdaan, Ra’ial wasaare Meles-na mar kasta oo ay saraakiisha dowladda u baahato way helaan markii ay u baahdaan”, laakiin warkaas mid ka badalan ayaa waxaa beryahaanba si isdaba joog ah u sheegaya qaar ka mid ah Diblumaasiyiin aanan magacooda la sheegin oo leh “xaaladda caafimaad ee Meles way kasii dareysaa oo meel xun bay mareysaa.”
Dhanka kale, ilaa iyo hadda xukuumadda dalka Itoobiya ma aanay sheegay waxa uu yahay xauunka haya Meles Zenawi iyo meesha lagu daaweynayo toona.
————
Abdulkarim Yussuf, Brussels/Belgium.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.