Home » News »

Qaar ka mid ah Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho eedeyna u jiidiyay cid kastoo ku lug leh shirka ka socda Muqdisho

Muqdisho, Somalia (AOL) – Kulunkaan oo ay maalintii shalay aheyd ku yeesheen qaar ka mid ah odayaasha beelaha Soomaliyed ayaa waxuu ahaa mid xasaasi ah, waxaana looga hadalayay qodobo dhawr ah oo uu ugu horeeyo shirka ka socda Muqdisho iyo fargelinta lagu hayo.

Odayaasha ayaa waxay eedeyn u jeediyeen xafiisyada UNPOS, Midowga Afrika (AU), Dawlada Turkig, Dowwaladda KMG ah ee Somalia iyo dhamaan dawladaha ku shaqo leh shirka ee bixinayo qarshaka shirka ku baxyo.

Odayasha shirka kasoo qeyab galay ayaa waxay kasoo kala jeedaan dhamaan qabaa’ilada Soomaaliyeed ee lagu dulmay dhaqanka shirka ka socda Muqdisho ee aan laga qeyb gelin, waxeyna baaq u direen dhamaan beelaha Soomaliyeed in ay qaadacaan shirka maadaama lagu hayo faragelin dhaqanka Soomaliyeed oo ay ka qeyb qaadanayaan kooxo aan matalin dhaqankii soo jireenka ahaa. Kulanka kaddib ayaa waxaa goobta ka hadalay qaar ka mid ah dhaqankii soo jireenka ahaa ee beelaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in cidda gacanta ku hayso shirka siday doontana ka yeesho ay tahay  dawaladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, odayaasha ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in shaqsiyaadka ugu horeeya ee doorka weyn ka qaadanaya jahawareerinta Dhankii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa ay ka mid yihiin:  Madaxweyne Shariif Sh. Axmed, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiin jahawareerinta dhaqankii soo jireenka ahaa ay tahay in dib loogu soo doorto xildhibaano ka amar qaata siiyana codkooda, isla markaana ay keensadeen dhaqan gacan ku sameys ah.

Ugu danbeyntii, odayaasha maanta kulanka yeeshay ayaa waxey wax laga xumaado ku tilmaameen in dawladda lagu wado in lasoo dhiso ee lagu badbaadin rabo Soomaaliya ay tahay mid aan ku imaan cadaalad oo ay mari doonto halkii ay mareen kuwa ka horeeyay ee fashilka ku dhamaaday.

—————-

Cabdiqani Maxamed Bayoow, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Qaar ka mid ah Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho eedeyna u jiidiyay cid kastoo ku lug leh shirka ka socda Muqdisho "

  1. keerow Eyle says:

    Waa Runtooda Dhaqanka halkaan ku shirey, laakin waxaan u sheegayaa in dhagaxii kor loo tuuraba uu dhulka imaan doono.

    Talada Beelahana ay u taalo iska iyaga, Kuwa hadda awoodda u sheeganaaya Dhaqankii soo jireenka ahaa waa Mdaxdii ku soo kortey mansabka siyaasadeed Qoriga caaraddiisa, kuna soo naaxde Dulmiga , weyna ku halaagmi doonaan Insha Allah.

  2. Qaran doon says:

    Saaxiibayaal maad soo daabacdaan ama noo sheegtaan magacyadooda odayaasha aad shegaysaan mise waa sir in la sheego magacooda iyo qabiilkood, waxaa is haystay beesha marexaan iyaga malla heshiisiiyey mise wali waa is horfadhiyaan, mareexan ma ku jiraan kuwaan hadda dacwoonayo, waxaan ka xumahay ninkii hadlaaba waxaa uu eedaynayaa madaxweynaha iyo ra-iisalwassaarha, laakiin waa ognahay eedaynataas inata badan waxaa ka shaqaynnayo ??????, tolaw kaas yuu xukumi ddonaa, waxaanse kula talinaynaa in uu marka hore uu tago boorame, waxaan fahmayna in uu soomaliyahay oo wax isku darsiga uu dhab ka yahay, haddii kale waa in uusan iska dhammayniin xoogaagii uu ka soo aruursaday macallinimada , waayo cid aaminaysaaba ma jirto.