Home » News »

Qurba joogta Beesha Geri oo tageertay Baaq ay soo saareen Odayaasha beesha Geri ee Muqdisho.

Muqdisho, Somalia (AOL) – Qurba joogta beesha Geri waxaa ay taageero buuxda siinayaaan baaq ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka beesha Geri ee Muqdishu ku sugan, baaqaas oo ay cambaareyn xoogan dusha uga ridayaan awood qaybsiga beesha Daarood ee 4.5 ee ku aadan shirka Odayo dhaqamedyada beelaha Soomaaliyeed, taasi oo odayaasha dhaqanka Harti, khaasatan kuwa Majeerteen iyo Ra’iisal wasaaraha DFKMG Md. Cabdiwali Maxamed Cali ay dhac badheedh ah iyo daba marteyn kula kaceen xubintii beesha Geri ee Odaya dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed ee shirku hadda uga socda magaalada Muqdishu.

Qurba joogta beesha Geri waxaa ay fariin kulul ku leeyihiin ”Odayo Dhaqameedyada beesha Harti, khaasatan kuwa Majeerteen iyo Ra’iisal wasaaraha DFKMG waa in ay si dhakhsi ah u saxaaan khaladka laga galay beesha Geri oo ah beel had iyo jeer u taagan wanaaga iyo xaq soorka beelaha Soomaaliyeed.”

Qurba joogta beesha Geri waxaa kale oo ay farayaan Odayo Dhaqameedyada Geri iyo wasiirka Geri ee DFKMG in aysan u jixin jixin xaqdarada iyo laba codleynta Odaysaasha Majeerteen, Harti, iyo ra’iisal wasaaraaha DFKMG, isla markaana ay war sugan ka keenaan xubinta iyo kaalinta beesha Geri ee xilliga kala guurka dawlada Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii, Oday Dhaqameedyada beesha Daarood ee madasha shirka Muqdishu ku sugun oo ah kuwii ugu sareyay masiirka beelaha Daarood, waxa aanu u sheegaynaa in haddi aynan xaqsoor dhab ah ka samayn arikan, aysan mid Soomaaliyeed guul ka keeni doonin loogana fadhiyin.

————–
Xasan Cabdilaahi Ducaale (Xasan Jabhad)
Gudoomiya Qurba joogta Beesh Geri

Afhayeenka Beesha Geri
Xasan Carab Askar
Email: Geridiaspora@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Qurba joogta Beesha Geri oo tageertay Baaq ay soo saareen Odayaasha beesha Geri ee Muqdisho. "

  1. Qaran doon says:

    Waxaan la yaabanahay maxaa isu keenay Gari koombe iyo majeerteen, waxaan filayaa Gari koombe waa niman daarood ah, haddii ay horay ugu lahaa yeen dawladdii soomaliyeed ibno way helayaan xibintooda haddii aysan horay u lahayn cid lagu eedayn karo ma jirto, majeerteen waxaa u ula simanyahay daaroodka kale waana waajib in xaqooda loo soo dhiciyaa walaaleheen Gari koombe, waxaan reerkaas qiimaha badan aan ka codsanaynaa eedeynta ma fiicna laakiin waa in si hufan aad u raadsataanxaqiinna waana in aad u sii martaan gudiga xallinta qilaafaadka, waayo puntland hadda hagaanka uma hayso xallinta qilaafaadka, midda kale ra,iisalwassraha waxaa u u dhexeyaa ummdda mana soo xulayo ergooyinka waqtina uma uu ahoyo arrintaas marka uma malaynaya in ay qabato eedeyntaas, miidda kale waxaa jiro dad ka shaqeeyo isku dirka ummadaha walaalaha ah, marka waa in aad si hoose oo aan eedayn iyo nacayb ku jirin xaqiinna raadsataan, waxaan idiin rajaynaynaa in aad ka fogaataan nacaybka dadka aad walaalah tihiin oo aan la iidiin adeegsan nacaybkooda iyo in laga shaqeeyo kala fogayntiinna.

  2. hassan says:

    QARAN DOON
    waan kula qabaa fikirkaada,Saliimka ah
    waxaana leeyahay walaaladay GERI qaata talada walaalkiin QARAN DOON.wabilaahitawfiiq.