Walaahow iyo wasiisi baa soomaalida wehal u noqday! Wadeecana waagii baryaba way martigaliyeen! Hirarka duufaanada colaadeed ayaa halakeeyay! Hugunka hubka culus iyo kan fudud oo mahiigaanka roobka oo kala ah ayay hooddo iyo nasiib u yeesheen ! Hal door ah iyo hal duub xiran iyo hal dugsi quraan jooga midna looma aabba yeelin! Gumaadka dadka Birimagaydada ah wuxuu iska noqday wax aan qiimo ku dhisnayn! Haraagooda iyo firxad koodaba hal-haleel ayay Baaruudu u leeftay! Kufsiga iyo fara xumaynta hablaha Soomaaliyeed waxuu noqday wax aan laga xishoon! Maxaa habar gablantay! Imisaa shiikh la dilay ama duq waaayeel ah! Maxaa saqiir sabi ahaa uu ku waayay labadiisi waalid! Maxaa lammaana isjeclaa ay kala yaaceen oo bari iyo bogax u kala firdhadeen! Imisaa qaxday oo uu daal caga-gooyay harraad iyo gaajana meel cidka kula naf waayay! Imisaa hantidoodi guurtada ahay iyo tii maguurtada ahaydba laga dhaqaajiyay! Imisaa curyaantay oo aan hadana haysan daryeel iyo cid u gargaarto! Imisaa Doonyo badda kula caariyeen oo aan la ogayn raq iyo ruux meel ay jaan iyo cirib dhigeen! Imisaase haatan gaajo iyo cudur la il daran cid ka naxaysaana aan jiran! DAL IYO DAD BA’OW YAA KU LEH!
Dhammaan waxyaabahaas masiibada ah ee ka dhacay cariga Soomaaliya mudadda labaatanka sano ka badan ee ugu dambaysay ayaa lagu tilmaami karaa waxyaabaha ugu cajiibsanaa ee ka dhaca Caalamka.
Waxaase wax lala yaaba ah in uu weli arinku yahay, Fari kama qodna faanoole! Waayo waxaa cad in Umadda Soomaaliyeed weli aanay ka waantoobin dhibaatooyinkii ku dhacay iyo wixii sababayba, waa ay habboonaan lahay inuu darsin u noqdo rafaadki iyo dhibki ay mareene, waxaa nasiib-darro noqotay in bulshada Soomaaliyeed weli uusan dareenkoodu siin bal inay daba qabtaan haraagooda oo ay badbaadaadiyaan. Caano daatayba dabadood la qabaye! weli Soomalidu kama aysan bislaan hadimadii iyo halaagii ay horay ugu hoobteen! CAJIIB.
Waxba yaysan arartu ila fogaane haddii aan usoo laabto ujeedada qormadaan ayaa waxay tahay, bal maxaa sababay burburka haddana hor taagan in la helo nidaam iyo kala dambayn?
Iyadoo ay dadku ku kala duwan yahiin aragtiyadooda ayaa anigu waxaan qabaa inay su, aashaas jawaabteedu tahay laba arimood oo aad u waaweyn kuwaasoo kala ah: 1- Qabyaalad 2- Iyo Caddaalad-darro.
Waxaa aan marnaba shaki ku jirin in labadaan arimood ee qabyaaladda iyo caddaala-ddaraddu ay yihiin, kuwa sababay burburka haddana hor taagan in la helo nidaam iyo kala dambayn.
Waxaa hubaal ah in labadaas arimood ee aan kor ku xusay ay haddana sii yihiin kuwo si gaar ah isula shaqeeyo oo isku daba nudan, maxaa yeelay jacaylka ay Soomaalidu u qabto Qabyaaladda ayaa markasta kala waynaaday inay u dhaqmaan qaab caddaaladeed, hase yeeshe e bal aan labaadaas arimood ee Qabyaaladda iyo Caddaalad-da radda mid walba wax ka iraahdo.
1- QABYAALADDA
Inta aan u guda galin qodabkaan marka hore, waa maxay qabiilku? Bal aan isku dayo inaan qeexitaan ka bixiyo qabiilka, anigoo qeexitaankayga ku salaynaya qaabka uu soomaaliya oga jiro.
Qabiilku waa abtirsiimo fog oo aan la hubin inuu u jiro sida loogu abtirsado, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed badankoodu ka hormariyaan danahooda mihiimka ah ee aduun iyo aakhiraba.
Hadaba aqristoow mar haddii uu xaalku sidaa yahay oo uu qabiilku iska yahay wax aan qiimo ku dhisnayn, Waa yaabka yaabkiise! Goorma ayay Soomaalidu ka ilbaxi doontaa Reer Baaquli, iyo Reer Abriiq iyo anagoo Reer Tarmuus ah miyaysa garanwaayeen inay kuligood isku wada yihiin ilmo Maacuun?!
Qabyaaladdu waa tan sababtay burburka iyo xaaladda murugan ee Soomaaliya walina hortaagan in la helo nidaam iyo kala dambayn, waana astaan caan ah oo lagu garto Soomaalida oo ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale ee dunida, marka loo fiiriyo qaabka ay u isticmaalaan oo aad u xun, taas ayaana sababtay in bulshooyinka kale ee caalkamku ka hor maraan bulshada Soomaalida.
Muran kama taagno in qabyaaladdu tahay midda abuurtay kalsooni-darradda iyo in bulshada Soomaaliyeed ay kala qoqobanto, Isla markaana keentay in lagu hungoobo, hanashada hogaamin dhab ah oo badbaadiso intayar ee hallaagii ka magan gashay.
Mar haddii ay caddahay in qabyaaladu tahay mida sababtay burburkaan walina hor taagan oo caqabadda ku ah xal ka gaarida arinta murugtay ee soomaaliya. Waxaa hadaba haboon inaan is waydiino, Maxay bulshada Soomaaliyeed oga gudbi kartaan cudurkaan saamaayeey ee qabyaaladda?
Waxaa aan qabaa inaan oga gudbi karno inaan qabyaaladda booskeedi ku bedalno, Isku tixgalinta arimaha ay ka midka yihiin:- Diinta, Saaxiibtinimadda, Macriifadda, Derisnimada, Isfahanka, ku dhaqanka caddaalladda Iwm. Haddii aan sidaa yeelno waxaa hubaal ah inaynu ka gudbi karno masiibada qabyaaladeed ee nagu habsatay qayrkeena naga reebtay.
2- CADAALAD-DARRADDA
Cadaaladdu waa shay qaali ah oo aan la,aanteed aanay marnaba suurtagal ahayn inuu jiro nidaam kasta oo dunidaan guudkeeda kajiro. Waxaa aan marnaba dhici Karin haddii aanay cadaaladi jirin in la helo nidaam iyo kala dambayn. Hase yeeshee dad fara badan oo ku wareeray arimaha soomaaliya marnaba isma aanay waydiin in dhibaatada ugu wayn ee Soomaaliya ugu wacan burburka ay tahay caddaallad-darro.
Waxaa aan horay kor ugu xusay in qabyaaladda iyo cadaalad-darradu ay wada shaqeeyaan, sidaa awgeed haddii dadka Soomaalidu badankood ay aad ula wayn tahay qabyaaladdu waxaa la oran karaa cadaalad-daradana ka jirto Soomaaliya waa mid ay dadku ugu dhaqmaan qof-qof.
Arimaha ugu wayn ee cadaalad-daradda soomaaliya ku habsatay keenay ma, aha qabyaaladda oo kaliyee waxaa kamid ah Faqriga ama dhaqaalo-xumada dadka qof-qof u saamaysay, waayo haddii dad fara badani ay haysan lahaayeen meel ay ugu hagaagaan nolashooda maalmeed waa ay ka maarmi lahaayeen, hanqal-taag fara badan oo u horseeda inay ku dhaqmaan cadaalad-darro iyo fekarka ah in wax la duudsiiyo oo qori caaraddiis wax lagu raadiyo, islamarkaana qabiilka la jeclaado.
Inkastoo ay jirto faragelinta shisheeye, haddana haddii dadka Soomaaliyeed ay markoodi horaba ka marnaan lahaayeen labadaan cudur ee Qabyaaladda iyo Cadaalad-xumada, kuma timaaddeen faragelin shisheeye, maxaa yeelay labaan cudur waxay markoodi horaba asiibeen midnimada Umadda.
Isku soo wada duuboo labadaas arimood e caddaalad-darrada iyo qabyaaladdu waa kuwa na dhigay meesha maanta aan joogno walina hortaagan xalka.
Ugu dambayntii aniga oo soo afjarayo qormadaan ayaa waxaan rumays nahay haddii bulshada Soomaaliyeed ay si wadar ah oga shaqeeyaan sidii ay oga gudbi lahaayeen labaddaan cudur ee Qabyaaladda iyo Cadaalad-darrada, ayaa waxaa hubaal ah in ay ku guulaysan karaan helitaanka nidaam iyo kala dambayn u horseeda dibu dhiska Qarankoodii dumay.
———–
Daahir Faarax Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.