Xarakada Alshabaab ayaa digniin iyo hanjabaad wada jira u dirtay madax-dhaqameedyada ku shirayo magaalada Muqdisho iyo Ergada ay soo xuleen ee loo igmaday ansixinta Dastuurka Qabya-qoraalka ah.
Madaxa Xarakada Alshabaab u qaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdaxmaan) ayaa sheegay in ay ka warhayaan shirka Madax-dhaqameedyada ee maalmahaanba ka socday magaalada Muqdisho.
“Waan ka war haynaa odayaasha Calooshood u shaqaystayaalka ah ee gaalada u adeegaya, mana jirto cid ay matalaan, tallaabo ayaana ka qaadaynaa” ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdaxmaan.
Dhinaca kale, waxaa Sheekh abuu Cabdaxmaan Xusay in Odayaashu ay ku qasban yihiin wax allaale wixii loo meeriyo, isagoo wax lala yaabo ku timaamay in odayaasha qaar ka mid ah oo ka soo horjeestay Dastuurka.
“Odayaal ku sheegu qasab ayay ku tahay inay raacaan wixii loo sheego, maxaa yeelay laaluush bay ku shaqeeyaan waana in laga matijiyaa wixii ay cuneen” ayuu yiri Sheekh Abuu-cabraxmaan.
Abuu-Cabdaxmaan ayaa Dastuurka qabya-qoraalka ah ku tilmaamay inuu yahay Gaalnimo cad, kaasoo la doonayo in meesha looga saaro shareecada Islaamka.
“Waan la soconaa Dastuur ku sheegga ay Gaalada iyo Dabadhilifyadeedu soo dhoodhoobeen iyo kuwa odayaal isku magacaabay ee lagu adeegto, waana cadawga Alle waxayna doonayaan inay Sunadda Nabiga S.C.W iyo Kitaabka Quraanka ah meesha ka saaraan, mana ka yeelayno” ayuu markale Sheekh Abuu Cabdaraxmaan isagoo aad u caraysan.
Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadaan ay xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay dul dhigeen Madax-dhaqameedyada iyo Ergada loo igmaday ansixinta Dastuurka Qabyo-qoraalka ah, ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa xilli maanta la filayo in la ansxiyo Dastuurka Qabyo-qoraalka ah, isla markaanna ay Ciidamada Amisom horey u sheegeen in aad loo sugayo Goobta ay ka dhacayso Ansixintu.
Xafiiska Warqabadka ee Muqdisho.
———-
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.