Ciidamada ayaa ilaa saddex bar koontarool ka sameystay Wadada Maka Al-Mukarama oo ay gaadiidka iyo dadweynaha ku baarayaan.
Meelaha sida adag gaadiidka loogu baarayo ayaa waxaa ka mid ah agagaarka Isgoyska KM4, halkaasoo dadka laga soo dajinayo gaadiidka, mid midna loogu baarayo.
Sidoo kale, goobta labaad ee baaritaanka adag ka socda ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Dabka, halkaasoo haweenka saaran gaadiidka gooni loo baarayo, halka raggana la baarayo.
Marka laga soo tago wadada Maka Al-Mukarama ee baaritaanka ka socdo, waxaa jirta in wadada Afisyooni ee gasha School Polizio ay iyana xiran tahay, inkastoo wadada ka timaada Via Liberia ay ka leexaneyso Suuqa Beerta, siina mareysa Buundooyinka, waxaana inta aysan gaadiidka leexan lagu baarayaa jiiradka Suuqa beerta.
Ka sokow howl galada baaritaanka ka socda wadooyinka ayaa waxaa jira Ciidamo gaar ah oo ku roondeynaya wadooyinka qaar ee aanay xirneyn, waxaana ammaanka magaalada Muqdisho saaka uu u muuqdaa mid ka bedelan sidii hore, maadaama shirka Ansixinta dastuurka uu furmayo.
Saraakiisha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in ay suura gal tahay in Al-Shabaab ay abaabulaan weeraro, hase ahaatee isku daygooda uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraradaas.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka socday magaalada Muqdisho kulamo ay lahaayeen Hey’adaha ammaanka dowladda, kaasoo la xiriiray sugida ammaanka goobta shirka uu ka socda iyo goobaha ka ag dhow.
————
Cabdiqani Maxamed Bayoow, Muqdisho/Somalia.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.