Baaq rogaal celis ah oo mar labaad ku socda Ummadda Soomaaliyeed iyo si gaar ah guddiga ku howlan ansixinta Dastuurka Qabyo Qoraalka. Waxaan ka digayaa in aan hadda la iska indhatirin khatartaas la galinayo dhul badeedka Soomaaliyeed. Waa bil Ramadaan, ILAAHEY ka baqa oo khatartaas KA FOGAADA. Hadhow yaan la dhihin lama aanaan socon iyo sidaan uma maleyneen.
Fadlan si fiican u akhri baaqa rogaal celiska ah oo ah kan hoos ku qoran:
Bashir Shekh Moxamed.
Baaq ku socda Ummadda Soomaaliyeed Qodobka quseeya badda, hallaga saaro Qabyo Qoraalka).
Wajiga cusub oo hadda uu Mashruuca Kenya lasoo baxay waxuu yahay in aay dhulbadeedkii ku cabirnaa Heshiiskii Is-Afgarad oo Qaramada Midoobay aay hadda ka hor go-aan ka gaareen ayadoo laga soo qaaday WAXBA KAMA JIRAAN- (NULL & VOID), ayeey hadda u kala qeybiyeen heshiisna kula galeen si shiidaal loogu soo saaro Shirkadaha kala ah:-Shirkado Kenya Heshiis kula galay Badda Soomaaliya in ay shidaal ka baartaan
Waxaa si isdaba joog ah usoo ifbaxaya khilaaf u dhexeeya wasiirka Dastuurka iyo Odayaasha Dhaqanka, islamarahaantaasna waxaannu la wada soconnaa in Dastuurka Qabyo Qoraalka oo hadda qarka u taaganyahay in la ansixiyo ayadoo lagu soo daray Qodob Kenya u hiilinaya in uu u hirgalo Boobkaas iyo khayaanadaas aay damacsanyihiin. Qodobka 7aad (Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya), farqaddiisa 3aad. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah. Kuwa raba in dastuurkan la ansixiyo aad ayeey isugu taxallujinayaan in loo gudbiyo guddiga 850ka xubnood ah, kaddibna muraadkoodu waxuu yahay in la dhaho waqti hadda lama hayo lagu doodo ama qoraalka isbaddal hor leh lagu sameeyo ee hadda halloo codeeyo. HAA ama MAYA.
Arrintaas waa iska fahmi karnaa sida aay ku dhamaaneyso oo ah 50%+1 oo cod dheeri ah, ayadoo la dareemi karo doorka aay ka cayaari doonaan Kenya iyo xulafadeeda.
War Soomaaliyeey Kumeel Gaarka (KMG) Hallaga boxo yaan lagu doorsan bililiqo loo geysto dhul-badeedka Soomaaliyeed.
Haddii la rabo in Dastuurka la ansixiyo, lana doonayo in laga boxo KMG, waxan qabaa in qodobka badda khuseeya gabiigiisaba laga saaro Qabyo Qoraalka oo aan loo gudbin guddiga wax ansixinaya si looga badbaado shirqoolkaas iska cad.
Sida aan la wadasoconno, qodobkaan khatarta ku ah dhul badeedka Soomaaliyeed, ma ahan mid dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed ee waa mid nalagu dirqinayo in la ansixiyo si loo gaaro danaha laga leeyahay dhul badeedka Soomaaliyeed oo ah in la bililiqeesto.


Waa tallo aad u Fiican Mr Bashiir laakiin Ummada Soomaaliyeed ee aad wax u sheegeysid wax ma ugu jiraan gacanta ma is weydiisay?
Waa arinfiican lkn xaalka layna kuwado waa iska cad yahay waa ,give and take maxaaba gacan inoo kujira badbaa kahadlaysaa dadkii baa bililiqo kujira ciidaka iyo booliiskuna waa ajnabi mahiigana waa madaxwayne goodluck
Walaahi gacanta wax waanogu jiraan lkn waxaan kabaqayaa in hada nagabaxsato halna ogaada ninka hada madxda ka ah wadanka wuxuu shegtaa shekh waxaad maqleysin buuna kukacay oo hanti umad somaliyed buu cunaa layiri bal xagee u socona ninki wuxuu yiri hasha maankeyga baaygaday ma masaar bay laqday
sxb maanta wax walbo oo la qaato waxa ka muhimsan in dadka la badbadiyo. dalki iyo dadkiba hadawa ayay kai baxayan. kenyan ayanba iska noqonay waayo, afkooda ayaa ku barnaa caruurtena bartama somaliya. hadii san lagu sii jirokenya dhib la’aan ayay na wada qaadan.
wax walbo halaga hor mariyo in la helo dowlad xoog leh
Aniga waan yaabanahy dad aan isku talin karin oo aan hadana ogalayn in loo taliyo.. oo aan heshiinkarin ayaga dhexdooda hadana markii looga yeero addis abeba, nairobi ama kampala heshiinaya.. sida aay aniga ilatahay Soomaaliya wax rajo kama qabo ilama ahan in aay soomaali isxu kumi karto.. shaqadeenu waxaay ahayd sida geela iyo ariga loo raaco awrtana loo raro xoolaha u kala dhacno..diinta waxba yaa lugu marmarsoon..xataa soomaali hadii ladhoho kitaab isku xukuma ku heshiinmaayso…. almiino hadaan diidnay al shabaab aaynu dooranayo qof ajnabi ah oo muslim.. sida hada lugu jiro waxaa dhaama maamul xun kaas oo madax banaan dowlada dariska ah…kenya iyo ethiopia, somalia in lawaayo ayeey rabaan… waxaa ii muuqata in aay soomaali ka shalaayi doonta ladagaalanka al shabaab….
Ragii soomaaliyeed ma calaacal baa ka soo haray war cid idin xukumi karta majirtee muujiya wadaninimo iyo iskuduubni, xitaa hadalkiini yaaba rajo xummo kamuuqataa sidee saan kudhacday nacas iyo naagaa leh baa layiriye sidee looga baxaa marka la’isweydiyo ayaa xalku imaanayaaye u’istaaga badbaadinta sharaftiina.
Majarehii Soomaaliya maanta waxaa gacanta ku haya kuwo magacood baay
adduun iyo aaqirana ka shallayi doona!
Waxaase maanta awood u leh inay taariqda ku galaan badbaadinta Soomaliya Odayaal dhaqameedka Muqdisho ku xeraysan, bulshoweynta soomaaliyeed ee balaayadu ku habsatayna ay ka sugayso ugu yaraan inay ku codeeyaan MAYA!!! oo aanay aqbalin gacan ku rimiska, iimaanlaaweyaashu ku cadaadinayaan si ay danta shisheeye u hirgeliyaan!!.
Eebow Soomaaliya ka badbaadi kuwa iibsanaya, maqaarka iyo muuqaalka soomaaliyeedna leh!