Home » News »

Ma saxbaa in marxaladda loogu magac daray “kala guurka” ay Soomaaliya uga bixi karto mushkiladda jirta? (Daawo Video)

Salaam Calaykum Waraxmatullah Wabarakatuh.  Ramadan Kariim walaalaha Soomaaliyeed meel aad joogtaanba.

Waxaa xaq u leh in ay Xeerka Qaranka Soomaaliyeed ansixiyaan shacbiga Soomaaliyeed ama gole ay soo doorteen.  In shacbiga Soomaaliyeed, Siyaasiyiinta, hey’adaha caalamiga ah iyo wadamada shisheeye intaba ay ogaadaan in xeerka qaranka iyo xaqa shacbigu yihiin laguma xad gudbaan waa lagama maarmaan.

Haddii ay hirgasho in xeer aan shacbigu qeyb ka ahayn laga ansixin karo Soomaaliya, waxaan suurto galineynaa in shacbiga Soomaaliyeed la xaqiro oo aan lagala tashan aayaha dalkooda iyo in shaqsiyaad iyo dano gaar ah laga hormariyo rabitaanka shacbiga iyo dantooda guud.  Nagala qeyb qaado ka hortagga xaqiraadda la xaqirayo shacbiga Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Video ku tusaya in aanay xaq aheyn in marxaladda loogu magac daray “kala guurka” aanay Soomaaliya uga bixi karin mushkiladda jirta:

Ninka Video-ga ka muuqda waa Mahad Sheekh oo ku hadlaya magaca dhaq-dhaqaaqa “Wadajir Danta Guud.”
wadajirdantaguud@gmail.com

———————

Baaq ku socda umadda Soomaaliyeed (qodobka quseeya badda halaga saaro qabyo qoraalka)
By Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.