Home » News »

Qarax qasaaro geystay oo ka dhacay mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Qarax aad u ballaran oo miino ah ayaa ka dhacay xerada Dhagaxleey oo ka mid ah Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee hoostaga Magaalada Dhadhaab, kaasoo wax yeello geystay.

Qaraxaan ayaa yimid kadib markii Gaari ay saarnaayeen qaar ka mid Ciidamada boliiska ee Kenya lagula beegtay miinada dhulka lagu aaso ee ah nooca la hago, taasoo sababtay dhaawaca saddex Aaskari oo boliis ah oo gaariga saarnaa, kuwaasoo isla markiiba loola cararay isbitaalka magaalada Dhadhaab.

Ciidamadaan boliiska ah ee ku waxyeeloobay qaraxa ayaa waxaa ay galbinayeen shaqaalaha Hay’adda Care ee ka hawl-gala xerada qaxootiga ee  Dhagaxleey.

Taliyaha Ciidanka boliiska ee gobalka waqooyo bari Mr. Bari Philip Tuimur ayaa caddeeyay in qaraxaas uu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso ee la hago, islamarkaana xaqiiyay dhaawaca soo gaaray Ciidamada Boliiska ah, waxaa sidoo kale guud ahaanba isla goobtii ku bur-buray Gaarigii ay saarnaayeen Ciidamadaas sida uu sheegay Mr. Bari Philib

Majirto Cid ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta ah ee Alshabaab oo Sheegatay qaraxaas, mana cadda illaa hadda cidda ka dambeyso.

Si kastaba ahaatee, waxaa qaraxaan  uu ku soo aadayaa xilli ay Xarakada Alshabaab horey wacad ugu martay in Kenya gudaheeda ay ka fulin doonaan hawgalkooda lamagbaxay  “Ku dhufo oo ka dhaqaaq”  kaasoo qayb ka ah dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Amisom ee ay Kenya kamid tahay.

Xafiiska Warqabadka ee Nayroobi.

———–
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.