Iyadoo Mudooyinkan danbe laga dareemayo gebi ahaanba Soomaaliya inay kasocoto dar- dar iyo dhaqdhaqaaq balaaran oo ay shacabka Soomaaliyeed meelwalba ha joogaane tiigsanayaan inay wadankooda dib u dhistaan waxaan kaloo meesha kamaqnayn qurba joogta tirade badan oo wadankii dib ugu laabanaysa kuwaasoo wadankii geeyay dhaqaale iyo xirfadba.
Dhanka kale, Dowlad goboleedka Puntland & shacabkeeda ayaad moodaa inay hormuud ka yihiin horumarinta wadanka, sidaad lasocotaanba Waxaa mardhow bilaabanaya soo saarida batroolka Puntland taasoo gebi ahaanba badali doonta heerka dhaqaale ee Puntland iyo Soomaaliya.
20kii sanoo ee lasoo dhaafay ayaa waxaa jira ganacsato waaweyn ILAAHBAA weyne oo ganacsiyo balaaran ka furtay ilaa hadana ku sugan wadanka dibadiidsa, sida Geeska afrika iyo wadamada carabta. Hadaba ma la oran karaa waxaa la gaaray waqtigii ganacsatada Soomaaliyeed ay aaminilahaayeen kuna kalsoonaan lahaayeen Ciida hooyo? Waqtigu ma yahay mid sax ah kaasoo ganacsatadu ay ku dhiiradaan inay ganacsigooda dib ugu soo celiyaan wadankooda si ay dalkooda u dhistaan dadkoodana shaqo ugu abuuraan?
Jawaabtu waxay noqon kartaa “HAA”, waayo, tusaale buuxa waxaan usoo qaadan karnaa bangiga weyn ee cusub oo laga dhisay Boosaaso, kaasoo diyaar noqonaya dhamaadka Sanadkan lana filayo inuu noqdo BANGIGA ugu weyn ee wadanka laga hirgaliyey ayna shaqo ka heleen dhalinyara badan oo wadanka wax ku baratay, bangigaas oo lamagac baxay IFTIN BANK of SOMALIA.
Waxaa igu kalifay maqaalkan in aan soo diyaariyo kaddib markaan TV-ga caalamiga ah ee SOMALI CHANEL ka daawaday waraysigii dhiirigalinta & xiisaha lahaa ee barnaamijka DALDHIS. Micin Ali - Gudoomiyaha Xawilaada Iftin ee UK and EU ku dhiiraday, muujiyeyna inay xawilaada Iftin u tafa-xaydanayso sidii ay doorkooda uga qaadan lahayd dib u dhisida dalka, talona ku siiyey ganacsatada muga weyn ee Soomaaliyeed inay dalkooda & dadkooda usoo jeestaan, maalgalin weyna ku sameeyaan dhulkooda hooyo.
Si aad uga bogato Barnaamijka oo dhan, guji Video-ga hoose:
Waxaa Qoray: Abukar Awale


ASC/Ramadankarim. Qofka qoray maqaalkaan wuxuu ku soo beegay waqtigii mudnaa(il momento gusto), dadku waa ka daaleen in ay guri qurux basdan dhistaan mar haddii madfac lagu duminaayo, balse beryahan dambe waxaad moodaa in lagu dhiiran karo Guryo iyo mashaariic la sameysto, maxaa yeelay waxaad moodaa in labadii qaybood ee Somalia isku hayey lakala itaal roonaadey oo ay shacabka Soomaaliyeed dareemayaan saxan saxo nabadeed, taasina waxay soo jiideysaa in qof waliba soo bandhigo wixii uu kala dhuumanaayey Dagaalada dhaqaale iyo xirfad labaduba, ama dibad haka yimaado ama gudo ha joogee, qof waliba waxaa looga fadhiyaa dib u dhiska dalka dadkaba, maxaa yeelay dadka qudhiisa maskaxdii buu ka burburay, marka waa ku farxeynaa dhismo Bank, IWM oo horumar leh, waana ku dhiiri gelineynaa qofkii isku dayaya.
Maanshaalaah waa arin runtii sidaad ciwaanka kadhigteenba kudayasho mudan,waana soo dhaweynayaa ,waxay ilatahay kuuhiishaa loo hiishaaye anigu kolay manta laga bilaabo Iftinbaan lamacaamili doonaa hadii ale idmo.
iftin waxay qabatay wax ku dasho mudan qofkasta soomaali ah oo wax haystana waxaa looga baahan yahay iney ku day daan itay dhulshihseeye dhisi la haa yeen sida kenya iyo meela kale oo lamid ah kuwa dhisanaayo inay dhistaan dgulkooda hooyo dadkoodana shaqa u abuuraan maxaa jira ninkii maanta dhulkiisa maal galiya ama dadkiisa shaqa u abuura taariikhda ayaa xusi doonta markii dalkeena uuxasilana mudnaan ayuu yeelanayaa inshaa ALAAHU TACAALAA WABILAAHI TOOWFIIQ
WAA ARIN LAGU FARXO HORUMARINTA DALKAAGA HOOYO,IFTIN BANK IYO XAWAALADABA WAAN SOO DHAWEYNAYNAA WAANAN KU XIRMI DOONAA INSHA ALLAAH,INLA GARAB ISTAAGO AYEY MUDAN YAHIIN DADWEYNOOW..
Mr Abukar dadka ha halligin baryahaanba waxaa suuqa ku jirtay in Xawaaladaan ay kacday marka ummadii hore lacagteeda baa ku maqan ma mid kale inaad ka galaafatid baad dooneysaa? weliba waxaa la yiri ragga ugu tunka roon ee horbooda xawaaladaan waa ragg xawalaado kale horay u soo kiciyey sida xawaaladii Mustaqbal iyo Amal marka yaan lagu degdegin iidhehyada qaarkood ha la iska hubiyo inta goori goor ay tahay.
ACW, RAMADAANKARIIM, MAANSHAA ALAAH, RUNTII WAA DHIIRI GALANWANAAGSAN.
MARKAHORE FAA’IIDADDA IYO QASAARADDA LABADUBA WAY ISGARABSOCDAAN OO AYNAGU MAKALA DOORANKARNO, LAKIIN WAXAA NASAARAN IN AAN SI XALAAL AH WAX KUBILOOWNO IYO DADAAL, WAATII UU RASUULKU SCWS YIRRI (RATIGAAGGA XIRO RABBINA TALLO SAARO) WAXAAKLE OO RASUULKU SCWS YIRRI QOFKA MUSLIM KA AH CAMALKIISU WAA CAMALKII (NABBI MUUSE CS HOOYADI OO KALLE) AMMARKII ALLE SWT MARKIISA AY ADEECDDAY AYAA WIILKEEDII ALLAAH SWT U SOO CELIYAY WALIBANA AY LACAG KUQAADATAY XANAANAYNTIISII OO TII AAKHIRONA U DHEERTAHAY INSHA ALLAAHU WATACAALAA.
HADDABA AMMA (IFTIIN) HANOQOTO AMA GANACSATADDA KALLE AMA SHACABWAYNAHA SOOMAALIYEED HANOQTEE DHULKA OO LAMAALGALIYAA AMMA LAHRMARIYAA WAXAY KEENIKARTAA 3 SADEX FAA’DO.
1- MARKA HORRE DADKAAGII AYAAD SHAQO U ABUURTAY, BILICDII DAL KAAGGANA QAYB AYAAD KA QAADATAY TAASI WAA FAA’IIDO.
2- TANLABAAD HANTI MAGUURTA AH OO MAALINBA MAALINTA KADANBAYSA QAYMAHEEDU KOR U KACAYO IYO GANACSIGII OO KUU DHEER AYAAD
HAYSATAAH TAASINA WAA FAA’IIDO LABAAD.
3- IYO TAN SADEXAAD OO AH MARKII AADKA GANACSANAYSO DHILKII MUSLIMIINTA EE HOOYO WAXKASTA OO XALAAL AH OO WAXSOOSAARKAAGGA LAXIRIIRA WAA CIBAADO XITAA NAFTAADA IYO EHELKAAGA AAD KA QUUDINAYSID WAAKUU CAMAL AAKHIRO INSHA ALLAAH.
HADABA WAA IN AAN KU DAYANO WALLAALEHEENA KHAYRKA INOOGGA HOREEYAY.
WAABILLAAHITOWFIIQ.