War hadda naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu qarax miino oo aad u ballaaran uu ka dhacay xaruntii hore ee Scuola di polizia ee Degmada Xamar Jajab, taasoo ah goobta uu ka dhacayay Shirka ansixinta Dastuurka.
Waxaa guud ahaanba dib usoo laabtay Ergagada loo igmaday ansixinta Dastuurka sababo la xiriira ammaankooda awgeed, taasoo sababtay in uu baaqdo shirkii ansixunta oo lagu waday inuu galo maalinkiisii Seddaxaad.
Mid ka mid Ergidii saaka goobtaas u jarmaaday oo Saxaafadda u waramay ayaa sheegay in ay dib ugu soo laabteen goobihii ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho, kadib markii saaka uu qarax aad u ballaaran hareeyay Xarunta xilli ay sii galayeen.
Waxaa illa hadda aan caddayn qasaaraha uu geystay qaraxaan iyo cidda ka dambeyso, hase yeeshee Ciidamada boliiska ee DFKM iyo kuwa Amisom ayaa baaritaano xooggan ka wado gudaha iyo hareeraha goobta ay masiibadu ka dhacday.
Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan saaka ka dhacay goobta lagu ansixin lahaa Dastuurka ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli ay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay horey digniin iyo hanjabaad ugu direen Madax-dhaqameedyada iyo Ergada ay soo xuleenba.
Xafiiska Warqabadka ee Muqdisho.
———–
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.