Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun: Waxaa halkan tacsi looga dirayaa ehelladii, qoyskii, asxaabtii iyo ummaddii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Yuusuf Diiriye Aw-Xaashi Axmed Soofe oo maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Maatuu oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Marxuumka ayaa waday gaari uu lahaa oo ku gaddoomay deegaankaas, iyadoo nin kale oo ajinebi ah oo baabuurka la saarnaa uu shilka ku dhintay.
Magacyada dadka Tacsidaan sida wada jirka ah u diraayo waxay kala yihiin:
1 . Faysal Xasan Keyd
2. Cali Xasan Keyd
3. Cabdifataax Barbarey
4. Dr. Shaafici Aadan Ugaas
5. Maxamed Xaashi Tawakal
6. Xasan Buulle Faliir, iyo dad kale oo fara badan oo ku kala sugan dalka iyo dibaddiisa.
Waxaan marxuumka Alle uga baryeynaa in uu janadiisii fardowso ka waraabiyo, ehelkii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamin, Aamin, Aamin.
————–
Tacsidaan waxaa AOL soo gaarsiiyay Mohamed H.Tawakal oo uu email-kiisu yahay hashi02@gmail.com.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.